Sawirro: IGAD oo caddeysay mowqifkeeda cunaqabateynta HUBKA ee Soomaaliya

Khartoum (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD ayaa war cusub kasoo saaray cunaqabateynta hubka ee ay Golaha Ammaanka dhowaan kusii kordhiyeen Soomaaliya, waxaana Ururka uu caddeeyey Mowqifkiisa, kadib shir ka dhacay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan.

Wasiirada arrimaha dibadda ee ururka IGAD oo shirkan isugu yimid ayaa marka hore aqbalay dalab uu u jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee muddada dheer saaran.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in cunaqabataynta hubka ay caqabad ku tahay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ah in la helo nabadgelyo  xasiloon, wuxuuna ka codsaday inay IGAD garab istaag buuxda siiso qorshaha Soomaaliya oo Golaha ammaanka markale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka.

“Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, Midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Waddamada ku jiro IGAD ayaa ballan qaaday inay taageerayaan Muqdisho, si ay ugu guuleysto dadaalkeeda la xiriirta in laga qaado cunaqabateynta hubka ee haatan saaran.

Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah lagu qaybsado.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii asaasay ururka ayaan hellin saamigii ay xaqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba, sida ay shaacisay dowladda federaalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray deegaanadii ay horey ugu sugnaayeen, inkastoo weli uu howgalku uu socdo.