Shabaab oo dishay mas’uul ka tirsanaa maamulka Dayniile

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay Al-Shabaab ka geysatay gudaha degmaea Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ay fuliyeen saddex nin oo ku hubeysanaa Bistoolado ayaa waxaa loo geystay Marxuum Cumar Khaliif Xasan oo ahaa madaxii Samafalka Barakacayaasha ee maamulka degmada Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilay Cumar uu kasoo laabtay kormeer uu ku tegay xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxda dilka fulisay ay horey usii kaxeysatay gaari uu lahaa marxuumka, kadibna ay baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas maydka marxuumka kasoo qaaday halkaasi, kadibna sameeyey howlgallo kooban.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dhacdadaas, gaar ahaam dilka loo geystay Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madaxii Samafalka Barakacayaasha ee degmadaasi.

Dilkan oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Maalmo kahor ayey aheyd markii weerar toos ahaa Al-Shabaab ay ku ekeeyeen dhismaha Hoteel Villa Rays oo ku yaalla xeyndaabbka xarunta madaxtooywda oo si weyn loo ilaaliyo.