ATMIS oo war ka soo saartay dhacdadii ay ciidankeeda ka geysteen Ceelasha Biyaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay dhacdo Arbacadii shalay ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka, kadib markii ciidamadeeda ay baabuur jiirsiiyeen wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Faarax Fiidow ayaa xalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray shilkaasi.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxa ay ku xaqiijisay jiritaanka dhacdadan waxayna sheegtay in wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday uu dhex maray labo gaari oo nuuca gaashaaman ah kadibna ay jiireen, xilli ay ku socdeen si xowli ah.

ATMIS ayaa intaasi ku dartay in dadka deegaanka ay sameeyeen kacdoon, islamarkaana ay hor istaageen kolonyada, balse ma dambe lagu guuleystay in la qaboojiyo xiisadda, kadib wadahal dhex maray ATMIS iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

“Qofka rayidka ah ee markii hore shilka ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana markii uu geeriyoonayay  uu ku jiray daryeel caafimaad oo deg deg ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska ATMIS.

Sidoo kale waxa ay ATMIS tacsi u dirtay ehellada marxuumka, iyada oo sheegtay in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, waxaana tan iyo xilligaas ay sameeyeen koox baaritaanno horudhac ah oo si dhow ula shaqeeya markhaatiyaasha, dowladda iyo maamullada maxalliga ah si ay u baaraan shilkan sida weyn looga xumaado,” ayaa marlale lagu yiri qoraalka.

Inta badan ciidamada ka socdo Ururka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka Soomaaliya ayaa dhibaatooyin kala duwan u geysta dadka shacabka ah.