AMISOM oo ciidamo boolis ah geysay labo magaallo oo dalka ka mid ah + Ujeedka

Baraawe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ciidamo Boolis ah geeyey gudaha magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb oo xarumo u ah dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug, Soomaaliya.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen amniga doorashooyinka ka dhacayaa magaalooyinkaasi.

Baraawe iyo Dhuusamareeb ayaa qorshuhu yahay inay ka billowdaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, iyada oo ay ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay.

Booliska AMISOM ayaa si gaar ah loogu wareejin doonaa xarumaha doorashooyinka, si loo adkeeyo ammaanka inta ay socota doorashada xildhibaanada baarlamaanka 11-aad.

Gen. Augustine Magnus Kailie oo ah taliyaha Booliiska AMISOM ayaa qorshahaan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo xasiloonida meelaha loo qorsheeyey doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tababar dheeraad ah la siiyey ciidamadan, si ay gacan uga geystaan amniga doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Ciidamadan maanta la geeyey Baraawe ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ka socotay doorashada golaha deegaanka ee degmadaasi, taas oo walaac laga muujiyey maadaama la bilaabayo doorashada aqalka hoose.

Si kastaba, heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ahaa in ciidamada Booliska AMISOM ay qeyb ka noqdaan ilaalinta doorashooyinka dalka ee 2021ka.