DF oo amar kasoo saartay dhul dowladeed oo Muqdisho ku yaal oo la degan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay amar si toos ah ugu socda dadka degan dhulka war-laliska Radio Muqdisho, kuwaasi oo muddo deganaa dhulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dadka degan dhulkaas oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ay si dhaqso ah uga guuran.

“Maamulka gobolka Banaadir iyo degmada Dayniile iyo taliska qaybta guud ee Booliska ayey wasaaradda ka codsatay in doorkooda ay ka qaataan sidii loo baneyn lahaa dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee degmada Dayniile oo baahi degdeg ah u qabto wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka laguma xusin waqti cayiman oo la siiyey dadkaas si ay uga guuraan dhulkaas, marka laga imaado in si dhaqso ah u faarujiyaan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee xiligan keentay in dhulkaas ay dalbato Wasaaradda, kaasi oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.