Maxaa lagu qanciyey ciidankii gadooddka ku qabsaday qeybo kamid ah Gaalkacyo?

Dhuusamareeb (Caasimada) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay xalinta tabashada ciidankii daraawiishta ee dhowaan gadoodka ka sameeyey koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Falagle ayaa sheegay in ciidamadaas ay ugu dambeyn dib ugu laabteen saldhigyadooda, kadib wada-hadal dheer oo lala galay saraakiisha hoggaamineysay, lana qanciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baneeyeen Kastamka Canshuuraha ee magaalada Gaalkacyo oo ay maalmo ka hor qabsadeen ciidamadaasi, wuxuuna ballan qaaday inay sidoo kale heli doonaan mushaaraadka ka maqan ee keenay inay gadoodka sameeyaan.

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug inay is dajiyaan, wuxuuna ka digay in looga sii daro xaaladda maamulkaas oo culeys wajahaya.

Arrintan ayaa qaboojineysa xaaladdii cakirneyd ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka taagneyd Gaalkacyo, tan iyo markii ay ciidamadu la wareegeen Kastamka Canshuuraha oo ay heysteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ka saaray Booliiskii heystay.

Xilliga ay gadoodka sameeyeen ciidamadan ayaa ku soo aaday, markii uu iscasilay wasiirkii amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan,waxayna dadka qaar ay shaki weyn ka muujiyeen waxa isku soo aadiyey iscasilaada iyo gadoodka.

Si kastaba, Galmudug ayaa lugaha la hashay xiisad horleh, kadib markii Ahlu Sunna ay dib usoo rogaal celisay, isla-markaana ay qabsatay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.