Afar arrin oo xuddun u ah xiisadda labada dal ee Muslim-ka ah ee Iran iyo Azerbaijan

Tehran (Caasimada Online) – Dagaal afka ah iyo dhoolatus milateri oo ay ku lug leeyihiin Azerbaijan, Turkey, Pakistan iyo Iran ayaa dhaliyey cabsi laga qabo inay sii kororto xiisadda ka taagan koonfurta Caucasus

Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee Muslimka ah ee Iran iyo Azerbaijan oo wadaaga xuduud 700-kilometer (430-mayl) ah, ayaa cirka isku sii shareeraysay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Tehran ayaa dhoolatus ciidan oo ballaaran ka samaysay xadka ay la wadaagto dalka ay dariska yihiin bilowgii bishanOctober, toddobaadyo uun kadib markii Azerbaijan iyo xulafadeeda Turkiga iyo Pakistan ay dhoolatus milatari oo wada jir ah ku qabteen Baku.

Dhoolatuska ayaa dhacay iyada oo ay Iran sheeganeyso in milatariga Israel la geeyay dhulka xuduuda ay la leedahay Azerbaijan.

Dagaalkii sannadkii hore ka dhacay Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa goobta dagaalka ku soo daad-gureysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Kamikaze” ee Israel, halka Turkigu uu sidoo kale kaalmo hub iyo farsamo siiyay Azerbaijan, taas oo gacan ka geysatay guushii milateri ee dalku ka gaaray Armenia.

Inkasta oo xiisadaha hadda ka dhexeeya Azerbaijan iyo Iran ay illaa hadda ku koobnaayeen dagaal afka ah iyo dhoolatus milateri oo ka socda xuduudahooda, haddana waxaa jira cabsi laga qabo in tani ay isu beddesho isku dhac dhan walba ah.

Waqooyiga Iran, oo ah xuduudda koonfureed ee Azerbaijan, waxay martigelisaa dad badan oo Azeri ah, oo loo arko inay yihiin qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Iran, taasoo la micno ah in kororku dadkaas uu yeelan karo cawaaqib xun.

Xiisadda labada dal ayaa waxay ka dhalatay arrimaha soo socda:

1 – Nagorno-Karabakh

Dhibaatada inteeda badan ee u dhaxaysa Iran iyo Azerbaijan waxay salka ku haysaa dagaalkii Nagorno-Karabakh ee sanadkii hore dhex maray Azerbaijan iyo Armenia.

Nagorno-Karabakh waa dhul buuraley ah oo lagu muransan yahay oo ay haysteen ciidamada Armenia ku dhawaad soddon sano kahor dagaalkii 2020.

Sanadihii sagaashameeyadii, gobolku wuxuu sheegtay inuu ka go’ay Azerbaijan, laakiin weli ma uusan aqoonsi ka helin dal ka mid ah adduunka.

Dadka gooni u goosadka ah ee Armenia oo ay taageerto xukuumadda Yerevan ayaa muddo dheer doonayay inay ka go’aan Azerbaijan oo ay ka mid noqdaan Armenia, inkasta oo ay ku guulaysan waayeen.

Ka dib dagaalkii 44 maalmood socday ee sanadkii hore, kaas oo soo afjaray xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadinayey, Azerbaijan waxay sheegtay inay dib ula wareegtay dhul badan oo ku yaal Nagorno-Karabakh iyo agagaarkeedii oo ay ku waayeen dagaalkii 1991-94 oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 30,000 oo qof.

Iran, oo xuduud la leh labada dal, ayaa inta badan aamusnayd intii ay dagaalladu socdeen, laakiin waxay qiratay aakhirkii in gobolka lagu muransan yahay uu yahay dhulka Azerbaijan, inkasta oo dhaqan ahaan ay xulafo la ahaayeen Armenia.

2- Dhoolatus Militari 

12-kii Sebtember, Azerbaijan waxay martigelisay dhoolatus milatari oo ay si wada jir ah u sameeyeen Turkiga iyo Pakistan taas oo u muuqatay in Tehran ay sii kicisay.

Dhoolatuskaas oo loogu magac daray “Saddex Walaalo ah 2021” ayey Iran ku sheegtay inuu ahaa mid ka dhan ah qodobbada Heshiiska Xaaladda Sharciga ee Badda Caspian, kaas oo qeexaya in xoogagga hubaysan oo aan ka tirsanayn Azerbaijan, Iran, Kazakhstan, Federation of Russia iyo Turkmenistan laga mamnuucay joogitaanka Badda Caspian.

3- Amniga Ganacsiga

Dhowr maalmood ka dib markii ay dhaceen dhoolatusyada, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Azerbaijan ay xayiraad ku soo rogtay gawaarida Iran ee isticmaalaya waddo hore isku xiri jirtay Armenia iyo Iran – oo ay Azerbaijan qabsatay dagaalkii 2020 kadib.

Iran ayaa hore u isticmaali jirtay waddadaas si ay u gaarto Ruushka iyo Galbeedka Aasiya iyada oo aan wax xannibaad ah lahayn.

Xayiraadaha cusub waxaa ka mid ahaa isbaarooyinka iyo canshuurta waddooyinka ee laga qaado darawalada Iran, iyo xiritaanka laba darawal, taas oo sida muuqata ka hor imaanaysa qodobbada heshiiska xabbad-joojinta ee uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ee ilaalinayey socodka xorta ah ee aagga.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa arrintan ku soo qaaday wareysi uu dhowaan siiyay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, isaga oo ku andacoonaya in gawaarida Iran ay “si sharci darro ah” ku soo galeen Karabakh tan iyo dagaalkii 2020.

Wuxuu sheegay in ilaa 60 baabuur oo Iran ah ay soo galeen gobolka Karabakh ee Azerbaijan iyaga oo aan haysan wax ruqsad ah intii u dhexeysay 11 August iyo 11-ka September.

“Kadib waxaan bilownay inaan xakameyno waddada dhex marta dhulka Azerbaijan, baabuurtii Iran ee mari jiray Karabakh ayaa istaagay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay in laga rabo inay bixiyaan canshuurta marka ay soo galayaan dhulka Azerbaijan.

4- Joogitaanka ciidamada Israel ee Azerbaijan

Israel oo ah cadowga gobolka ee Iran, ayaa ka mid ahaa taageerayaashii Azerbaijan ee dagaalkii Nagorno-Karabakh. Sidoo kale Israel ayaa ah wadanka labaad ee ugu badan ee hubka keena dalkaas marka laga reebo Ruushka.

Sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm, Israel ayaa ahaa dalka ugu badan ee hubka siiya Azerbaijan dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo lagu qiyaasay $ 825m oo hub lagu iibiyey intii u dhexeysay 2006 iyo 2019.

6-dii October, diblumaasi sare oo u dhashay Iran ayaa muujiyay “walaac daran” oo ku saabsan joogitaanka Israel ee la sheegay in ay ku sugan tahay Caucasus.

“Dhab ahaantii uma dulqaadan doonno isbedelka juqraafiyeed iyo isbeddelka khariidadda ee Caucasus,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Hossein Amir-Abdollahian oo warbaahinta kula hadlay Moscow.

“Waxaan welwel weyn ka qabnaa joogitaanka argagixisada iyo Sahyuuniyadda ee gobolkan,” ayuu sii raaciyey

Si kastaba ha ahaatee, Azerbaijan ayaa beenisay sheegashada joogitaanka millatariga Israel ee meel u ku dhow xudduudda Iran waxayna ku tilmaamtay inay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.