Guudlaawe oo xilal ka qaadis iyo magacaabis sameeyey

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareegto cusub soo saaray ayaa xilal ka qaadis ku sameeyey agaasimeyaal ka tirsan wasaaradaha maamulkaas, isaga oo sidoo kale magacaabay kuwa cusub oo kumeel gaar ah.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Cali Guudlaawe ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha amniga iyo qorsheynta ee maamulkaasi, kadib soo jeedin ka timid wasiirada labadaasi wasaaradood.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in xilka Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle loo magaabay Maxamed Muxumad Cabdulle, waxaana xilkaas horay u hayey oo laga qaaday Cabdulahi Maxamed Xasan.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Raage oo ahaa agaasimihii wasaaradda Amniga ayaa shaqada laga eryey, waxaana xilkaas loo Magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle.

“Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u Magacaabay Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdulle” ayaa lagu yiri wareegtada

Cali Guudlaawe ayaa faray in lala shaqeeyo mas’uuliyiinta cusub oo uu amray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda.

Shalay ayey aheyd markii uu madaxweynaha HirShabelle oo xilal ka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii hay’adda qaxootiga maamulkaas iyo sidoo kale guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo u magacaabay mas’uuliyiin kale.