MAHAD SALAAD oo si xun ugu jawaabay AXMED FIQI

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo wasiirkii is-casilay ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxuuna qoraalka Mahad Salaad ku soo aadayaa, iyadoo Axmed Macalin Fiqi uu galabta qabtay shir jaraa’id, kaas oo uu ku weeraray siyaasiyiin uu ka mid yahay Mahad Salaad.

Fiqi ayaa sheegay in dadkii shalay hor taagaanaa mudo kororsiga ay hadda Dhuusamareeb ka dheheen nidaamkii dowladda Galmudug ayaa lagu cayaarayaa, “Wax ka jira maleh , laguma cayaarayo nabad geliyada Galmudug ee faa’iidaa ugu jirta Ahlu-Sunna inay joogto, 10-kii maalmood oo ay joogeena waa laga dareemay deegaanka oo Al-Shabaab waa carareen,” ayuu yiri Fiqi.

Waxa uu sheegay in dadkii shalay Farmaajo ka diiiday mudo kororsiga ay maanta u muuqdaan kuwo kala wareegay, oo dhahaya Ahlu-Sunna dagaal halagu qaado, “Soo u ekaa maayaan niman shalay diidanaa nidaamkii iyo madaxweynihii jiray? Laakiin shalay waan ku raacsanaa go’aankaas, balse kan kuma raacsani,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Fiqi oo u muuqday inuu si gaar ah u weerarayo Mahad Salaad ayaa yiri, “Waxaan aragnaa musharax xil ku raba in dadka reer Gurceel la barakiciyo, aniga waan fahmi waayey kursiga Gurceel yaalla ee dadka loo weerarayo oo nin musharax ah inta meel soo istaago uu leeyahay dadkaas waa in la weeraro, janadii Al-Shabaab naga raadinayey ayuu noola mid yahay kursigaas, musharaxiinta waxaan leeyahay ka fiirsada fidnada socota qeyb haka noqanina.”

Mahad Salaad oo u soo jawaabay Axmed Macalin Fiqi ayaa qeyb ka mid ah qoraalkiisa ku yiri, “Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!.”

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran

Abtigey Fiqi waxaan leeyahay!

Waxa jiray nin oday ah oo mingiska ka tumi jiray deegaanada Galmudug, lana dhihi jiray Dalays oo Cayr ahaa. Waxa xarun u ahaan jirtay meel LACASO la yiraahdo oo Gadoon agteeda ah. Lacoso-na habeenka marka la gaaro nalal ayaa ka shidma, durbaan cid garaacaysa aan la aqoona waa ka yeeraa. Marka waxa la yiraahdaa jinka ayay hoy ama guri u tahay.

Dalays meeshii ayuu ku shiiday marka wuxuu go’aansaday in uu ka guuro, farsamadiisana ku shaqaysto. Baanankana inuu u baxo ma rabo ee inuu Cayrka ka dhex qaraabto ayuu rabaa. Marka qolodii Cabsiiye ayuu inta ka soo tagay, ayuu soo dhex degay kuwa kale oo Ayaanle ah!

Wuxuu rabaa marka inuu sheego in Jinkii soo guuray isagana soo raacay. Berrin ayuu inta xaarxaartay oo durbaankiisii la soo baxay ayuu ku dhuftay hees uu rabo dadka inuu ku hogga tusaaleeyo in jinigii soo guuray hadana safar ku marayo dhulka Ayaanluhu deganyahay. Marka wuxu yiri:

Jinigu Lacasow ka yimid cabsiiyow labo ka dilay, hadana laanlow maraa lag iyo bariyow rabaa ayaanlowna lurahayaa!

Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!