Amisom oo dilay haweeney ay horey u dileen saygeeda

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ciidamada AMISOM ay dil ka geysteen duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Dilka oo loo geystay haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka ayaa yimid, kadib markii ciidamada AMISOM qarax miino lagula eegtay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo la sheegay inuu khasaare kala duwan ka soo gaaray.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay geysteen falkaasi, kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadii ka dambeeyey dhacdadaasi ay haweeneyda geeriyootay ugu tageen gurigeeda, kadibna ay toogteen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumadda la dilay ay korineysay caruur Agoon ah oo ay Aabahood horey u dileen ciidamada AMISOM, kadib markii ay haleeshay rasaas habow aheyd, kadib markii sidan oo kale qarax loola eegtay ciidamadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Ciidamada AMISOM oo ka howl-galka meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ayaa had iyo jeed dilal iyo tacadiyada kale u geystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanin.