Amisom oo fadeexeysay odoyaal Soomaaliyeed

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay arin waji gabax ah kadib markii la sheegay in odayaasha dhaqanka ee Hiiraan ay kaalinweyn ku lahaayeen dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne.

Korneyl Cismaan Dubad, taliyaha ciidamada AMISOM ee Hiiraan ee ka socdo dalka Jabuuti ayaa shaaciyay in odayaasha dhaqanka Hiiraan kaalin weyn ku lahaayeen dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne.

Wuxuu si aan ka leexasho laheyn u sheegay in odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Beledweyne ay huriyeen dagaalkii ugu dambeeyay ee magaalada Beledweyne, wuxuuna ka dalbaday iney ka shaqeeyaan sidii dagaalo kale aysan kaga dhicin magaalada Beledweyne.

“Waxaan sheegayaa oo aan cadeynayaa in odayaasha Hiiraan ay door weyn ku lahaayeen dagaalkii dhacay ma aheyn iney sidaasi sameeyaan, Odayaasha nabadeyn ayaan ku ogeyn laakiin ma aheyn iney badalkeeda colaada huriyaan”ayuu yiri korneyl Dubad.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay walow qasaaraha u badnaa dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com