Xog ku saabsan maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo dowlada Soomaaliya aysan shaacin halka rasmi ahaan lagu qaban doono shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa warar hoose oo aan heleyno ay sheegayaan in maamulada labada dhinac ay bilaabeen wada tashiyo gaar gaar ah.

Masuuliyiinta ugu sareyso maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa warar hoose oo aan heleyno waxay sheegayaan iney bilaabeen iney iyaga ka tashadaan halka lagu qabanayo maamulka loo sameynayo labada gobol.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka Hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan Cali, ayaa Caasimada Online u sheegay iney bilowdeen kulamo gaar gaar ah oo dhexmaraya madaxda maamulada si ay kaga tashadaan iskuna fahmaan halka shirka lagu qabanayo.

Wuxuu sheegay in shirarkaasi ay noqon doonaan kuwo ay isku fahmaan maamulada labada dhinac, maadaama horey aysan isku fahmin, waxaana la filayaa iney kulamadooda iyo wadatashiyadooda isku fahmaan.

“Koleey Dabcan howlaha noo dhiman ayeey ka mid tahay oo aan ka tashan doono walaalaheena Shabeelaha Dhexe waan isku imaan doonaa ka maamul ahaan ayaan isugu imaaneynaa Maadaama horay loogu wareeray labadeena Maamul ayaa is arkaayo oo isla fiir fiirin doono ama Hiiraan ayaan geynaynaa ama Sh. Dhexe” Ayuu yiri Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Hiiraan iyo Sh.dhexe

Ugu dambeyn wuxuu fariin u jeediyay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo uu ka dalbaday iney tixgeliyaan shacabka maamulka loo sameynayo maamulka oo aysan go’aan kaligood ah iska qaadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com