Somalia oo loogu yaboohay lacag madax diid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Ururka uu dhaqaale ugu yaboohaayo Somalia.

Ururka ayaa sheegay in dhaqaalahaasi oo dhan 327 Million oo dollar-ka mareykanka ah ugu yaboohi doono Somalia si wax looga qabto qulqulka muhaajiriinta Soomaalida.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay qulqulka Soomaalda tahriib doonka ah uu xadka kasii baxaayo kumanaan iyaga kamid ahna ay ku dhamaanayaan saxaraha africa iyo badaha caalamka.

Ururka ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalahaasi loo adeegsan doono maareynta dhalinyarada Soomaalida, shaqo abuurka iyo in loo sameeyo dhaqdhaqaaqyo lagu wacyi galinaayo si loo qafiifiyo qulqulka.

Sidoo kale, Ururka Midowga Yurub waxa uu rajo ka muujiyay in dhaqaalahaasi ay waxbadan ka bedeli doonto nolosha dhalinyarada Soomaalida iyo in fursado shaqo loogu abuuro dadka soomaalida ah.

Saraakiil ka tirsan Ururka Midowga Yurub ayaa xusay in Mashruucaasi uu qayb ka noqon doono baaritaan lagu sameynayo dadka sida dhuumaaleysiga ah dad u tahriibiya ee gaarsiiyo dalal kale.

Dhanka kale, qorshahaani lagu yareynaayo qulqulka muhaajiriinta ayaa si rasmi ah u dhaqan gali doona horaanta sanadka soo socda ee 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com