Puntland: Shirkii Xamar fashil ayuu ku idlaaday

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay inuu fashilmay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran e Muqdisho lagu soo xiray shalay, kadin 9 maalmood oo laga doodayay qaabka doorashada 2016 loo qabanayo.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in la isku mari waayay shirka, isla markaana aanay jirin wax lagu heshiiyay oo kaliya la isku daray wixii la isku khilaafay ee degaan iyo 4.5, dibna loogu dhigay heshiiska shirka Kismaayo loo balamay 10-ka Janaayo. Wuxuuna intaas ku daray in wafdiga Puntland culeyso badan la saaray, basle ay ku adkeysteeen go’aankooda.

“Arimahaan oo dhan waxay tilmaamayaan howlo la qaban doono marka lagu heshiiyo Habka Doorasho, mana tilmaamayaan kamana muuqo wax heshiis ah, waayo waa, lagu heshiin waayey wixii la doonayey oo ahaa Habka Doorasada Barlaamka 2016 , waxaana la isla dhaafi waayay Deegaan iyo 4.5”

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/laahi Maxamed Jamac (Quraan jecel) wuxuu arrintan ula jeeday in dadka Puntland ee ku kacsan C/weli Gaas ku qaboojiyo. Wafdiga madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa dib ugu laaban doona Puntland iyadoo halkaasi ay ka jiraan kacdoon ku saabsan mowqifkiisa ku aadan arrimaha federaalka iyo doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com