Madaxweyne AXMED Madoobe oo sheegay arrin aad uga qoslisay wakiilada BEESHA CAALAMKA

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay madaxda dowladaha reer galbeedka ka jooga Somalia ayaa sheegay in Somalia ay tahay rugta Siyaasada Africa.

Axmed Madoobe oo mudada uu shirkaasi la lahaa wakiilada kala hadlaayay dhibta laga soo maray shirka wada-tashiga Qaran mudadii uu socday ayaa sheegay in Soomaalidu ay yihiin kuwo aad u daneeya Siyaasada islamarkaana u dhaga nugul khilaafka iyo ka kabsashada khilaafka.

Madoobe ayaa wakiilada uga qosliyay in Soomaalidu ay u dhoon daloolaan Siyaasada islamarkaana ay suuragal tahay in qoyskiiba laga helo hal ama laba ruux oo min bilow ilaa dhamaad ka sheekeynaa Siyaasada dalka, taasina ay keentay in Soomaalidu ay ku fogaadan Siyaasada.

Waxa uu wakiilada ku raali galiyay inay u sabraan Somalia, bacdamaa ay ku fogyihiin Siyaasada, islamarkaana ay adag tahay in qeyb kamid ah lagu qanciyo go’aan ka duwan kan ay markaasi ku dhagan tahay.

Shaqsi ahaantiisa ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in ugu danbeyntii leysla fahmo qodobo dhowr ah oo aan cid gaar ah lagu qasbin.

Waxa uu u sheegay in sanadada Somalia uga harsan isfahanka ay Beesha caalamka laba jibaarto xal u raadinta Somalia, oo iminka kasoo reyneyso halkii ay dhowr sano kahor taagneyd.

Ma filaayo ayuu yiri in Somalia ay ku raagi doonto qaska iyo khilaafka iminka ka dhextaagan madaxda iyo shacabka oo iyaguna mar waliba aan ka khuusan helida nidaam ka duwan kan iminka taagan.

Dhanka kale, hadalkaani ayaa muujinaaya in Somalia ay u baahan tahay muddo badan oo ay kaga soo kabsato Siyaasada iska soo horjeeda oo ay Beesha Caalamkuna qeyb ka dhabjinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com