TALIYE ciidan oo xil sare hayey oo lagu dilay…!!

Muqdisho(Caasimada Online) – Askari katirsan Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa toogasho ku diley Taliyihii Ciidamada Birmidka ee Magaalada Berbera oo lagu magacaabi jiray Aadan Guuleed Talaabo.

Askarigii ka dambeeyay falka dilka ah ee loo geystay Taliye Aadan Guuleed ayaa durba meesha lagu qabtay, iyadoo xabsiga loo taxaabay.

Rasaasta taliyaha lala dhacay oo dhaawac daran uu ka soo gaadhay ayaa markii la damcay in Isbitaalka loola cararo uu goobta ku geeriyooday Taliyaha.

Masuuliyiinta Degmada Berbera ee Gobolka Saaxil weli kama aysan hadlin dilkaan loo geystay Taliyihii ciidanka Booliska Birmadka ee Degmada Berbera.

Lama oga sababta uu Askarigan u dilay Taliyaha, hase ahaatee waxaa xusida mudan in mudooyinkii danbe ay kusoo badanayeen Deegaanada maamulka Somaliland Dilal ay Ciidanka u geestaan Taliyaashooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com