Xasan: Si Dadka ka duwan ayaan wax u wadaa.!!

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, oo la ciirciiraya Jahwareerka ka heysta dhanka doorashada dalka iyo xal u helideeda ayaa ka hadlay dadaalka uu doonaayo in Somalia ay uga dhacdo doorasho waafi ah iyo in Umadda Soomaaliyeed ay ku noolaadan amni.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in mar waliba uu u taagan yahay in Somalia laga saaro Siyaasadaha qalifsan islamarkaana loo gudbo Siyaasado ka duwan tan iminka ka shaqeysa Somalia.

Waxa uu Xassan tilmaamay in meela fog uu wax ka eegayo, balse Soomaalidu ay eegayaan waxa hoostooda yaala, taasina aysan suuragal aheyn.

Xassan waxa uu intaa ku daray hadalkiisa Somalia iyo Soomaaliduba ay u baahan yihiin Siyaasad mustaqbal fog ah, waxa uuna cadeeyay in mudada uu xilka hayo ay Somalia baadi goobi doonto wadada munaasabka ku ah.

Wanaaga ayuu sheegay in looga baahan yahay Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay joojiyaan waxa uu ugu yeeray war xumada iyo in laga hordhaco waxyaabaha ay Dowladu ku mashquulsan tahay.

Wuxuu ku baaqay in la eego mustaqbalka fog ee Somalia oo aan laga hordhicin ajandayaasha Dowlada, waxa uuna farta ku goday in inta badan Soomaalidu ay tahay kuwa Siyaasada u nugul.

”Dowladu waxa ay baadi-goob ugu jirtaa in sida Somalia ay kusoo dhacsan laheyd xuquuqdeeda. haddii ay Soomaalidu ay isku mashquusho caalamku waxa ay hakinayaan garabsiinta Somalia waayo dad iyaga isku mashquulsan xal looma heli karro”

Haddalka madaxweyne Xassan ayaa kusoo beegmaya xili DFS ay la daaladhaceyso siyaasado cakiran oo caqabad ku ah horusocodka ay Somalia wajahi laheyd

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com