“Siriqaha uu Xasan Sh. u dhigay SOMALIA ayaa loo baahan yahay inaan furfurno” Waxaa yiri…!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cumar Cali oo kamid ah nabadoonada kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadlay go’aankii laga soo saaray shirkii wada-tashiga Qaran ee kusoo gabagaboobay magaalada muqdisho.

Nabadoonka ayaa sheegay in DFS ay dabin u dhegeyso maamulada dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in madaxweyne Xassan uu Siyaasada dalka ka dhigay mid rabitaankiisa ku xiran.

Nabadoonka ayaa sheegay in inta badan Beelaha Soomaaliyeed ay kasoo horjeedan nidaamka Somalia hoos u dhigay ee ah 4.5, balse aysan Dowladu arrintaasi kala tashan beelaha.

Wuxuu sheegay in nidaamka 4.5 uu yahay mid ay wataan madaxweyne Xassan iyo Siyaasiyiinta garabkiisa ah ee ku wehliya Siyaasada dalka, kuwaasi oo uu ku sheegay inay sabab u noqon doonaan in Somalia ay hoos uga dhacdo guulihii laga filan lahaa.

”Xassan Sheekh anigu aqoon hore ayaan u lahaa waa shaqsi aan laheyn siyaasad gaar ah. waxaan qabaa in nidaamka 4.5 uu yahay mid isaga u gaar ah oo uu ku doonaayo inuu u kaashado dib ugu soo laabashadiisa doorashada”
”Nidaamka 4.5 waxa uu maslaxad ugu jiraa cida Somalia danaha gaarka ka leh, xassana kuwaasi ayuu kamid yahay Somalia kala fogaansho uma laabato xiligaani”

Nabadoon Cumar Cali waxa uu sheegay in Somalia aysan ka lug bixi doonin madaxweyne Xassan Sheekh iyo Siyaasiyiinta ku xiran, waxa uuna tilmaamay in kala furfurid ay u baahan tahay xargaha ay isku xiriin oo lagu dibin daabinaayo Somalia.

Cumar Cali waxa uu tilmaamay in Siyaasiyiinta ka madax-banaan Siyaasada uu wado Xassan Sheekh ay dhaxda u guntadaan sida Somalia loogu toosin lahaa wadadii ay ka habaabtay.

Geesta kale, waxa uu ku baaqay in loo midoobo ka hortaga Siyaasadaha lagu sii dhiiri galinaayo nidaamka ay caalamka ku dhibsadeen Somalia oo uu ku sheegay 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com