Ahlu-Sunna oo lasoo shartagtay shuruud cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo kamid ah Ururada hubeysan ee ka dhisan dalka Somalia ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee iminka dalka ka jirta.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb u qaabilsan Ahlu Sunna Axmed Macallin Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ahlusuna ay aaminsan tahay in quwad ahaan ay u dhiganto DFS, waxa uuna sheegay in Dowladu ay xaqireyso kaalinta Ahlusuna ay ku dhexlaheyd ururada hubeysan ee wada-hadalada kala dhexeeya DF.

Axmed Macallin Cabdullaahi, ayaa sheegay in DF ay sii hurineyso xiriir xumida ka dhexeeysa Ahlusuna iyo Galmudug, waxa uuna sheegay inay ka go’an tahay in marnaba aysan la fadhiisan Galmudug.

Axmed Macallin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Ahlusuna ay diyaar u tahay kaliya inay la fadhiisato Madaxweyne Xassan Sheekh haddii ay adkaatana aysan qaabili doonin cid kale.

Wuxuu sheegay in DF ay tahay Dowladda kaliya oo ay aqoonsan yihiin, taasina ay tahay sababta keentay inay dalbadaan la fadhiisiga Xassan Sheekh.

Wuxuu intaa ku daray in Ahlusuna ay marwalib ka go’antahay dib u heshiisiin iyo in Nabad la helo,waxaana uu sheegay in marnaba aysan jirin cid kale oo wadahadal nabadeed ama siyaasadeed ay la galayaan.

Dhinaca kale, Axmed Macallin Cabdullaahi ayaa Madaxweyne Xassan ugu baaqay inuu xaliyo tabashooyinka Ahlusuna waxa uuna ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho Khilaafyada taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com