XOG: JAWAARI oo gooni u riix lagu sammeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka hadlay sharciyada u dhexeeya BF iyo Baarlamaanada kale ee dalka.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in BF uusan u dulqaadan doonin in la baalmaro nidaamka BFS, waxa uuna farta ku goday in ay dhaliil ka qabaan qaabka ay u shaqeynayaan Baarlamaanada Gobolada dalka.

Jawaari ayaa waxaa gooni u riix ku sameeyey madaxda DF iyo maamul goboleedyada intii uu socday shirkii Hiigsiga.

Wuxuu sheegay in dhaliilo badan ay ka muujinayaan qaabka wada shaqeyneed ee BF iyo kuwa Gobolada dalka.

”BF waa hay’ad dhisan oo sharci ah cidii aan amarkeeda u hogaansamin waa mid iyada u taalla, Jamhuuriyada Somalia waxa ay leedahay dastuur waana ku shaqeynaa waxaana loo baahan yahay in maamulada ay iyaguna nagala shaqeeyan sida aan dastuurkaasi ugu shaqeyneyno”

Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in BF looga danbeeyo mas’uuliyada Baarlamaanka ka saaran qodobada laga soo saaray shirka, waxa uuna Jawaari sheegay in kaalinta Baarlamaanka kaga aadan qodobadaasi aysan cidi kala gorgortami doonin.

Jawaari waxa uu tilmaamay in BFS uu ujeedkiisu yahya in Somalia laga hirgaliyo nidaam Siyaasadeed oo ka duwan kan hadda jira, waxa uuna cadeeyay in wadada lagu gaari lahaa ay tahay kan iminka uu Baarlamaanka ku talinaayo.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in maamulada dalka iyo Baarlamaanadooda ay waxkama jiraan ka dhigaan digniinada iyo awaamirta kasoo baxda BFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com