25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Axmed Madoobe oo fadhigiisa ugu tagay Hiiraale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay ku dhaqaaqay tallaabo weyn oo dib u heshiisiin ah kadib markii uu booqday hotelka uu Muqdisho ka degan yahay Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo kulan gaara dhex maray.

madobe-hiiraale

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo uu hakad ku jiro shirkii dib u heshiisiinta beesha Mareexaan iyo maamulka Jubba oo muddo dheer la sugayay inuu Kismaayo ka furmo, waxaana kulanka Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale uu ahaa salaan iyo booqasho, balse wararka ku dhow ayaa sheegaya in la isku afgartay wadahadallo toos ah oo dhex mara.

Barre Hiiraale ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu waaweyn ee ka horjeeda Axmed Madoobe iyadoo dagaal dhiig badan ku daatay ku dhex maray magaalada Kismaayo, kaasoo aan weli laga heshiin, laakiin tallaabada Axmed Madoobe lagu tilmaamay mid dhinaca nabadda loo qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News