Xog: Guuleed oo fashiliyey shirqool ay Gaas iyo Axmed Madoobe u dhigeen Xasan iyo beesha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hor istaagay qorshihii ugu danbeeyay ee ugu dhowaa in heshiis lagu gaaro, kadib markii madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba ay ka dhaadhiciyeen madaxweyne Xasan Sheekh qaab doorasho goboleed iyo Baarlamaan ka kooban 225 xildhibaan.

Qorshahan oo Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha u guuxeen, kuna saleysnaa inay maamul goboleedyada soo xulaan Xildhibaanada ayaa dhacay iyadoo uu Muqdisho ka maqan yahay C/kariin Guuleed oo ku sugnaa magaalada Beledweyne, taasoo keentay in si degdeg loogu yeero oo diyaarad degdeg loo diro Magaalada Beledweyne kuna soo laabto Muqdisho.

Shirarkii kala gaarka ahaa ee dhacay subaxnimadii ilaa duhurtii shalay 16-ka December 2015 ayaa C/kariin Guuleed meesha ka saaray baarlamaan lagu soo xulo qaab degaan iyo mid goboleed, wuxuuna si cad u diiday in tirada baarlamaanka laga dhigo 225 oo uu ku tilmaamay inay tahay sharci darro kasoo horjeeda Dastuurka.

Is mari waaga arrinta doorashada ayaa dib u soo laabtay iyadoo shirkii lagu waday in la soo xiro Duhurnimadii arbacadii uu gaaray maqribkii, waxaana arrintan ay iska hor keentay madaxda dowladda qaarkood oo markii danbe ku qasbnaaday in qodobo war-murtiyeed ah la soo saaro in shir kale oo lagu qabto Kismaayo.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladda Galmudug iyo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa C/kariin Guuleed ku bogaadiyay tallaabada uu qaaday waxayna qaarkood ku tilmaamay geesi badbaadiyay beeshiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com