DAACISH oo ku dhawaaqday dagaal cusub oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay maleeshiyaadka Daacish ayaa waxaa lagu shaaciyay dagaal guud oo ay maleeshiyad la galaan Dowlada Sacuudiga.

Bayaanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dagaalka uu yeelan doono wajiyo dhowr ah, islamarkaana ay Daacish Boqortooyada Sacuudiga uga aargoosan doonto weerarada cirka ah oo ay abaabushay.

Daacish waxa ay cadeysay in dagaalkeeda uu yahay mid ku qotoma 2 arrin oo kala ah:-

1-Dhismaha isbaheysiga cusub oo ay ku jirto Somalia.

2-Duqeymaha Sacuudiga ay ka wado Yemen iyo qaababka ay Boqortooyada kula dagaalameyso Daacish iyada oo ku fulisa dilal.

Isbahaysigan oo ka kooban 34 dal, ayaa waxay Xaruntiisu noqon doontaa Magaalada Riyadh ee Caasimadda Wadanka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu qorshuhu yahay in laga abaabulo hawlgalada ka dhanka ah argagaxisada Daacish, sida ku cad Bayaanka.

Sidoo kale kooxdu waxa ay ku goodisay in Boqortooyada Sacuudiga ay la gali doonaan dagaal furan oo ka dhici doona min xadka ilaa gudaha dalka.

Saraakiil u hadashay Daacish, ayaa waxay Ciidanka Sacuudiga ugu baaqeen inay yimaadaan dalka Suuriya, haddii ay doonayaan dagaal ay la galaan Daacish.

Dhanka kale, Hanjabaada ayaa imaaneysa xili laba maalin un ka hor ay Boqortooyada Sacuudiga ku dhawaaqday Isbaheysi cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com