Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan natiijadii kasoo baxday Shirka wada-tashiga

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalin ka hor magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu soo afjaray shirka wada-tashiga Qaran, ayaa waxaa shirkaasi ka hadashay Dowlada mareykanka.

Warbixin laga soo saaray wasaarada arrimaha dibada mareykanka ayaa waxaa lagu shaaciyay in Dowladu ay taageersan tahay heshiiskii lagu gaaray shirkaasi.

Warbixinta ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu amaanay dadaalada la doonayo in lagu gaaro hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay, waxa ayna wasaaradu bogaadisay qaabka ay Dowladu wax u wado.

Sargaal u hadlay wasaarada ayaa sheegay in Dowlada mareykanka ay ku faraxsan tahay wajiyada muujinaaya in DFS ay kaga gudbeyso khilaafyada kala dhexeeyay maamulada dalka.

Ka qeyb galayaasha shirka wada-tashiga ayaa lagu boorriyay inay meel dhexe iskugu yimaaddaan, islamarkaana ay adkeeyan sidii ay heshiis kama dambeys ah u gaari lahaayeen 10ka bisha January ee sanadka foodda inagu soo haya.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda mareykanka ayaa imaaneysa iyadoo heshiis KMG ah ay kala saxiixdeen DF iyo maamulada dalka kaasi oo suuragalinkara ka gudubka khilaafyadii Dowlada kala dhexeeyay maamulada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com