Qaraxyo ruxay qeybo kamid ah magaalada Marka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen Qaraxyo is xigxiga oo lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka.

Ciidamada ayaa la weeraray xili ay ku sugnaayen Baro-koontarool oo magaalada ku yaalla waxaana la soo warinayaa in Ciidamadaasi ay ahaayen Nabadsugid iyo Militery.

Yuusuf Cali Cageey oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay in xalay ilaa Saakay ay ciidamada Dowlada ay yihiin kuwo la kulmaaya weeraro iyo Qaraxyo is xigxiga.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay ka go’an tahay inay xasiliyaan amaanka magaalada waxa uuna ka gaabsaday inuu sheego inta ku dhimatay Qaraxyadii xalay ilaa goordhow lagu weeraraayay ciidamada.

Yuusuf Cali Cageey ayaa sheegay in ujeedka Ciidamadaasi loo geeyay Magaalada Marka ay tahay sugida amaanka iyo sidii Magaaladaasi markale uusan uga dhicin Dagaal u dhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed oo wada degga Magaaladaasi.

Inta badan magaalada ayaa waxaa la soo warinayaa inay buux dhaafiyeen Ciidamo ka tirsan Dowlada kuwaasi oo ka hortagaaya dagaalo halkaasi ka socda.

Lama oga tirada Ciidamada Dowlada uga dhimatay weerarada lagu qaaday xarumaha ay iminka ka degeen magaalada Marko.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com