AMISOM oo fal aad looga carooday ka geysatay gobolka Sh/hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan dadka degan deeganka Muuri ee Gobolka Sh/Hoose, ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay halkaasi ku xasuuqen dad shacab ah.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegayaa in deegaankaasi ay ku dileen ilaa Lix ruux oo shacab ah kuwaasi oo aan ku lug laheyn amni darada halkaasi ka taagan.

Ciidamada ayaa inta badan dadkaasi kala soo baxay guryahooda waxa ayna mid waliba ku dileen meel aan sidaa uga fogeyn guryaha ay ka degan yihiin deegaanka Muuri.

Dadka ay dileen ayaa kamid ahaa Rag caan ka ah deegaanka kuwaasi oo aan qeyb ka aheyn dhinacyada isku haya deegaanka Muuri.

Ciidamada AMISOM ayaa Dhowr Jeer Dad rayid ah ku dilay Gobolada Shabellaha Hoose iyo Hiiraan, waxa ayna badi dadkaasi u dilaan qaabab fool-xun.

Dowlada Somalia iyo Maamulka G/Sh/Hoose ayaan weli ka hadal xasuuqa ay geysteen ciidamada AMISOM, waxaana lasoo sheegayaa in xaalada deegaankaasi ay saakay tahay mid kacsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com