Xog: Dhaqaale intee la’eg ayey DF ku bixisay kiiska dacwada badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgashay Madaxtooyada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso ku guuleysashada Dacwada Badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in muranka Badda Somalia uu yahay mid caqabad badan ku noqday Horumarka Somalia, waxa uuna tilmaamay in xalinteeda loo adeegsanaayo dhaqaale xoogan oo ka baxeysa qasnada DFS.

Sargaalkaani oo u xog waramaayay mid kamid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalinta Murankaani xuduud-badeedka ah ilaa iyo iminka ay ku baxday lacag dhan (Afar milyan iyo labo boqol oo kun oo Dollar).

Sargaalkaani oo si toos ah ula socda halka ay howshaani dacwada ah mareyso, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay rajo weyn ka qabto xal u helida muranka, waxa uuna carab dhabay inaanu jirin cid sheegankarta hanti aysan laheyn.

Dhinaca kale, waxa uu farta ku goday in dowlada Somalia ay qabsatay Qareeno heer caalami ah, kuwaasi oo uu sheegay inay garab u yihiin wafdiga ay DFS u xilsaartay ka qeybgalka Dacwadda iminka ka furan Maxkamadda ICJ.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com