Galmudug oo digniino adag siisay Musharaxiinta Aqalka Sare iyo BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inaan la aqbali doonin in gudaha magaalooyinka maamulka lagu dhigo dibadbaxyo lagu raadinaayo kamid noqoshada Aqalka Sare iyo Kan Baarlamaanka Somalia.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo ah Guddoomiyaha magaalada Cadaado, ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan mas’uulkii magaalada ku dhex dhigo dibadbax si uu u heli taageerada Beeshiisa waxa uuna tilmaamay in cidii lagu helaa dhigashada Dibadbaxa la mamnuucay uu maamulka u horseedaayo amni darro.

Tootoole waxa uu sheegay inay jiraan Kooxo dhowr ah oo doonaaya carqaladeynta amniga Cadaado, hayeeshee cidii lagu arko dhigashada Dibadbaxyo ay muteysan doonto ciqaab adag.

Tootoole waxa uu amarkaasi la duldhigay Musharaxiinta u loolameysa Aqalka Sare iyo Baarlamaanka ku sheegay Sababo ammaan.

”Waxaan ka digayaa in Musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare iyo Baarlamaanka cusub ay magaalada ku dhigtaan dibadbaxyo ama iyaga loo dhigo dibadbaxyo lagu soo dhaweynaayo, cidii aan ku helno falkaasi ha ogaado waxaan la tiigsan doonaa sharciga”
”Musharrax xildhibaan waxba looma sameyn karo iyo mid kaleba ha la ogaado in maamulka uu arrintaasi mamnuucay”

Haddalka amarka wata ee uu soo saaray Mr Tootoole, ayaa kusoo beegmaaya xili Magaalada Cadaado oo hadda ah xarunta KMG ee dowlad goboleedka Galmudug loogu diyaar garoobaayo in lagu soo xulo xubnaha baarlamaanka ee ka imaanaya beelaha Galmudug ee baarlamaanka federaalka ee dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com