Xog: Kenya oo Somaliland siisay aqoonsi ka duwan kii ay fileysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Dowladda Kenya, Manoah Esipisu ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal ay Dowladda Kenya ka soo saartay Xiisaddii ka dhalatay Socdaalkii uu Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya ku tegay magaalladda Hargeysa, taasi oo keentay inay Dowladda Federalka si KMG u xayirtay Qaadkii Kenya, kana muujisay cabasho socdaalkaasi

Afhayeenka ayaa Saxaafadda u akhriyey Qoraalka Xeerka Mudaaharaadka oo ku socotay Guddoomiyaha Gobalka Meru, oo isaga sabab u noqday in si KMG ah Qaadka Kenya looga joojiyo Somalia.

Afhayeenka waxa uu ku eedeeyey Guddoomiyaha Gobalka Meru inuu mas’uul ka ahaa Masiibadii Qaadka, wuxuuna uga digay dhamaan Guddoomiyayaasha Goballadda Kenya inaysan ku durdurinin ama ku xad-gudbin  dalalka Madaxa Bannaan.

“Peter Muru waxa uu u socdaalay Somalia iyo inuu qaar ka mid ah Maamulayaasha la soo gaaray Heshiis ku saabsan Ganacsiga Qaadka” ayuu yiri Afhayeenka Dowladda Kenya, Manoah Esipisu oo intaasi ku daray inuu Peter Munya wada-hadal la yeeshay Maamul-gobaleed iyadoo aysan Dowladda Dhexe ee Somalia ka war qabin arrintaasi.

Afhayeenka Dowladda Kenya waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Federalka Somalia u aragtay safarkii Peter Munya ku tegay magaalladda Hargeysa mid muujinayso inay Dowladda Kenya u aqoonsatay Maamulka Somaliland sidii Waddan Madax-bannaan, taasi oo sababtay in Xayiraad KMG lagu soo rogo Qaadkii laga keeni jirey Kenya.

Waxa uu sheegay in Mowqifka Dowladda Kenya cad yahay oo ay Somaliland u aqoonsan yihiin Maamul-gobaleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com