Xog: Maxaa kasoo cusboonaaday doorashooyinka Kismaayo ee BF

Kismaayo(Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia oo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Jubbland ay meel wanaagsan marineyso howlaha la xiriira doorashada dalka.

Xildhibaan Cabdi ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland laga dareemaayo qabanqaabada waxa uuna cadeeyay in inta badan howlaha la xiriira doorashada ay madaxdu isla soo gaaren heer gabogabo ah.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in inta badan Ergada ay howshooda caadiga ah wataan, waxa uuna farta ku goday in dhammaan howlahaasi ay kusoo idlaan doonaan ilaa 24 September, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inuusan garankarin wixii dhaliilo ah ee si hoose loo xalinaayo balse uu ogyahay in dhammaan howlaha ay yihiin kuwo ay ku qanacsan yihiin Ergada.

Waxa uu carab dhabay inuu gaaray dhammaan goobaha ay ka socdaan diyaar garowga isla markaana uu marqaati ka yahay sida ay howsha u socto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Jubbaland ay dhaqan galisay waxyaabihii kasoo baxay shirka Madasha Qaran, waxa uuna sheegay in dhammaan dhaqan galintaasi laga dareemi natiijooyinka kasoo baxa doorashada.

Haddalka Xildhibaan Cabdi ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan Gobolada dalka ay ka socdaan diyaar garowga doorashooyinka lagu soo xulaayo Aqalka Sare iyo kan Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com