28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

AMISOM oo go’doomisay xarunta Xalane ee Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in gabi ahaan la xiray xarunta Xalane oo ku dhex-taalla garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa sababta ku sheegtay ka hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus, kaas oo kiisas la xariira dhowaan laga helay gudaha Soomaaliya.

Qoraalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyey in muddo 30 cisho ay xirnaan doonto xarunta Xalane, taas oo ka bilaabaneysa isla maanta.

Warsaxaafadeedkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dhammaan la joojiyey dhaq dhaqaaqa xarunta iyo howlihii kala duwanaa ee ka socday halkaasi.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in amarkaan ay ku wargelisay hay’adaha, shirkadaha, safaaradaha iyo shaqaalaha ka howlagla gudaha xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo.

Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii qof ajnabi ah, islamarkaanaa qandaraasle u shaqeeya oo ku sugan xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho laga helay caabuqa Corona, kaas oo noqday qofkii saddexaad ee laga helo cudurka, gudaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo COVID19, iyadoona horay u hakisay goobaha waxbarashada iyo isu-imaatinada dadka.

- Advertisement -

Read more

Local News