Guddoomiyihii G/Hiiraan oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Jowhar (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Muxumad Caraale, iyadoo isla wareegtadan lagu magacaabay guddoomiye kale.

Guddooyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan, oo horay xilkan looga qaaday mudo laba jeer ah.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Muxumad Caraale ayaa xilkan hayey mudo sanad iyo bilo ah, iyadoo xubnaha kale ee maamulka gobolka wareegtadan looga dalbaday in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa warqadan lagu faray in xaaladda caafimaad ee degdega ah ee dalku ku jiro awgeed in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u howlgalo.

“Dhamaan xubnaha kale ee maamulka oo uu ugu horeeyo duqa degmada Beledweyne, waxaa la farayaa in howlahooda si degdega ay u bilaabaan lana shaqeeyaan guddoomiyaha cusub” ayaa lagu yiri wareegtadan.

Cali Jeyte ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii 2016 saddex jeer loo magacaabay xilka Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaa hal jeer magacaabay Madaxweynaha hore Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, halka labo jeerna uu magacaanay Madaxweyne Waare.