Mucaaradka DF oo ka cabsi qaba bandow ay sheegeen inuu kusoo socdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii saacadood ee la soo dhaafay waxaa Muqdisho aad looga hadal haayaa walaac xoog leh oo ay qabaan siyaasiin xilal kala duwan dalkaan ka soo qabtay oo haatan mucaarad ah, walaacaas oo ku aadan Bandow la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku soo rogi doonto Muqdisho.

Bandowga ayaa suurta-gal ah in saacado kooban la geliyo magaalada, si loo yareeyo dhaq-dhaqaaaqa dadka, taasi oo qeyb ka ah xakameynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

Siyaasiinta mucaaradka oo ay ku jiraan Xildhibaano, wasiiro hore iyo xubno kale ayaa sheegay in ay heleen xog sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay ka damacsan tahay bandowga qorshe kale oo ah in la joojiyo kulamo xasaasi oo Madasha Xisbiyada iyo siyaasiin kalaba ka yeelanayaan doorashooyinka Soomaaliya.

“Qorshaha aan ka war helnay waa in la tago guryaha iyo xafiisyada Xisbiyada mucaaradka iyo dadka kale saameynta leh iyadoo lagu mar marsiinayo bandow siyaasadeed Muqdisho lagu soo rago rabo laguna tilmaamayo ka hortaga Coronavirus,” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiyada mucaaradka ee ka jira Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya islamarkaana ku aadan hadal heyntaan ka jirta magalada balse waxaa la dareemayaa in la badalay inta badan ciidankii ku qornaa Kontaroolada Muqdisho.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa marar badan ku eedeeyey dowladda inay si gaar ah u beegsaneyso, waxaana ugu dambeeyey qoraal Madasha Xisbiyada Qaran ay dhowaan ku sheegeen in ciidamo ay weerar kusoo qaadeen hoyga madaxweyne Shariif, taasi oo ay beenisay wasaaradda amniga Soomaaliya.