Arday boolisnimo qoratay oo dhowaan ‘la eryey oo hadda u cabsi qaba’ noloshooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ruqseeyay arday ku dhaw 60 qof oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal, islamarkaana qortay kamid noqoshada ciidamada booliska Soomaaliya.

Dhalinyaradaan ayaa is diiwaan geliyay kadib markii dhawaan ay taliska boolika ogeysiiyeen bulshada Soomaaliyeed in ciidan loo qaadanayo ardayda dhameysatay dugsiyada sare.

Cabdiraxmaan Diiriye oo kamid ah dhalinyaradaas oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ardayda laga soocday qaar magacyadooda warqad lagu watay inta kalane la eryay iyagoo tababar ku jiray mudo ku dhaw.

“Cabsi weyn ayaa qabnaa sababtoo ah waxaa ka nimid meelo kala duwan oo aan amaan aheyn waxaana laga yaabaa in xogtayna gaarto cadowga wixii aan usoo baxnayna aan weynay.”

Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Tartan ayaa lagu soo baxay markii ugu horeysay intii soo baxday ayaa tababar loo furay maalmo kadib qeyb kale ayaa la soocday anagana waa nala eryay, waxaana dadkaas nagula sheegay saraakiil ka tirsan Haramcad oo dhalinyarada kala sooceysay.”

“Aniga waxaa askarimimo u qortay inaa dalkayga iyo dadkayga u shaqeeyo inaa helo shaqo maadaama ay ku daalay shaqo kale helisteeda balse hada aad ayaa u niyad jabnay waan ka codsaneynaa madaxda Qaranka in aysan i rajo dhigin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ardaydaan oo ku xareysneed Iskuul Bulusiya masuq maasuq lagu kala reebay taasina ay ka dambeeyaan saraakiil sar sare.

Wali ma jirta cid xaqiijin karta in madaxda Qaranka ay kawar qabaan arrintan.