DF oo shaacisay in aysan wax u qaban karin Soomaalida ku xayiran magaalada TRIPOLI

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u jooga wadanka Liibiya, Mudane Muxudiin Maxamed Kaalmoy oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda Soomaalida faraha badan ee haatan ku xayiran gudaha dalka Liibiya.

Kaalmoy ayaa sheegay in ay ka war hayaan xaaladda Soomaalidaasi oo dhalinyaro u badan, balse wuxuu tilmaamay in aysan heyn dhaqaale ay wax ugu qabtaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sababta ugu weyn ay tahay xayiraada caalamiga ah ee haatan saaran dalalka kala duwan ee caalamka, taas oo la xiriirta Coronavirus.

Dhinaca kale mid ka mid ah dhalinyarada ku dhibaateysan Liibiya, gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Tripoli oo isna la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey xaaladdooda, wuxuuna sheegay in muddo shan bilood ah ay duruufu adag ku heystaan dalkaasi.

Wiilkaan dhalinyarada ah oo sii hadlayey ayaa carabka ku dhuftay inay dalbadeen in dib loogu celiyo dalkooda, balse ay waayeen cid u jawaabta, sida uu hadalka u dhigay.

“Lacag badan ayaan ku bixinay sidii aan u gaari lahayn Liibiya oo aan kaga sii gudbi rabnay Yurub, balse waxa aan la kulanay dhibaato nafsadeed oo nagu sababtay in aynu doorano dib ugu laabashada dalkeena oo aan kolkii hore kasoo tagnay, waxa aan dalbaneynaa in naloo fududeeyo dib ugu laabashada Somalia.” ayuu wareysiga ku yiri.

Liibiya ayaa marin u noqotay tahriibayaasha ka cararaya qaaradda Afrika, kuwaas oo doonayay inay gaaraan dalalka Yurub, si ay helaan nolol dhaanta tan Afrika, hayeeshee muhaajiriintaasi oo Soomaali ay ku jirto ayaa dhibaatooyin kala kulma safarkaasi dheer.