Colonel Abiy iyo Farmaajo hawl-galladooda waa ay dhicisoobayaan! – Faallo

Nin ragga ku dhow-dhow Madax-weyne Farmaajo ka mid ah baa waxaa layga sheegay inuu yiri; lacagtii Qadar wa shaqaysay haddiiba uu maanta Faarax Macallin ku xigeenkii hore ee Af-Hayeenkii  barlamaankii Kenya (2008-2013) uu maanta leeyahay “Duulaankii Itoobiya lagu qaado waa duulaan Soomaaliya lagu qaaday!”

Intaas kuma ekaanee ninkaas waxaa kale oo layga sheegay “Qatar lacagteeda iyo Itoobiya hubkeeda dhammaan maayaan!…Xil-DHibaanna laaluush diidi maayo, aawaye kuwii Xamar ka qaylqaylin jiray?!… kuwa sanka taagaya sida Puntland, iyagu marka Somaliland ay ku soo dhufato, Gaalkacyana aan ka dhigno sal-dhig Haramcad iyo ciidamo Itoobiyaan, baraago bandanna la xabaalo markaasay indhaha kala qaadayaan!”… Hadalladaas oraah nin doqon  ah oo wuxuu ku fekerayo iyo siduu jeclaan lahaa sheegay way noqon karaan! Beenna way noqon karaan…Laakiin, marka aad fiiriso dhaqanka Farmaajo iyo KHayre iyo siyaasadda xoogga ku dhisan ee ay isticmaalayaan oo aad ku darto socdaallada Farmaajo ee Itoobiya iyo Eritrea ee aan la sheegayn ujeeddadooda, oo aad u geyso oraahdii Col.Abiy Axmed ee “Xamar baad ka soo shaqaysan oo waad ka soo hoyan”…Yaa?! Oo aad markaas ku biiriso hagoog xummada Farmaajo iyo waxa uu qarsanayo, oo aad dhab isha u geliso` waxa ka socda Gedo iyo ciidammada Amxaarrada ah ee la soo tuuray xudduudaha dalka…Alleylahay warkaas wax baa ka jira! Waana qorshe ay muuqato khariidaddiisa sida loo jeexay!…Balse waa qiyaas aan aqoon lagu salayn!…

Farmaajo iyo KHayre, ma inay Soomaaliya burbur hor leh gelinayaan? Mise inay sii joogayaan?!… Burbur waaba ina geliyeen oo dalkii waa gobol ay dagaal kula jiraan iyo mid ay duulaan ku yihiin, waxayna run ahaan arrintu u egtahay in muddooyinka dhow ay xaaladuhu ka sii xummaan doonaan sida ay tahay, maxaa yeelay Col. Abiy Axmed, waxaa ka dhaadhacsan in ololihiisa doorashada bisha August ee sanadkan ay wax weyn ka tarayso haddii uu ku guuleysto inuu meel mariyo arrimihii uu sheegay inuu kula heshiiyay madax-weynaha Soomaaliya Farmaajo,  qiimo kastaba ha ugu kacdee, wuxuuna rumaysanyahay si kastaba ha noqotee inuu xoogga saaro sidii Madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare Xasan Cali KHayre  ay mar labaad hoggaanka Soomaaliya ugu soo laaban lahaayeen, isagoo og ama maanka ku haya inay arrintaas gacan ku siinayaan dalal badan oo uu ugu horeeyo dalka Maraykanka oo safiirkiisa Yukio Yamamoto (Donald) ay marar badan siyaasiyiin Soomaaliyeed ku eedeeyeen gacanta uu ku leeyahay arrimaha ay Itoobiya ka wado Soomaaliya.

Lacagta Qatar, waxaa yaab leh ninku haddii uusan marna dhahayn lacagtayda, ama aysan xukuumadda lahayn lacagta ay leedahay doorashaan ugu ololeyniyaa, sidee buu isugu halayniyaa lacag nin kale leeyahay oo jeebkiisa ku jirta?! Lacagta Qatar iyo warshadda Taangiyada soo saarta Itoobiya!…iyo taageerada siyaasadeed Yukio Yamamoto (Donald) oo isaga caqligiisa ku fekeray kuna shaqayniya siduu qaranka Soomaaliyeed oo dhan uga dhigi lahaa tuulo yar oo miskiin ah oo hoos tagta Itoobiya, oo waliba kaaga daranee siyaasiyiinta oo dhan dhuunta kaga jira si uu ugu qurxiyo dulmiga u la damacsanyahay!… Taas ilaahay kaama aqbalin dheh! Mise aragtay ra’iisal wazaare ku-xigeenka Mahdi Max’ed Guuleed  oo iska dhigaya inuu xadiith aqrinayo, February 2019, isagoo aad modo inuu la hadlayo dad jaahiliin ka ah Itoobiya iyo waxa ay tahay oo leh “Israa’iil iyo Carabta way heshiiyeen maxaa annaga inoo diidaya inaan Itoobiya la heshiino?!” Beenta wuxuu uga daray siduu isula qab-weynyahay!…Mahdi u sheega Israa’iil colaadda Falasdhiin bay kala dhexeysaa Carabta kale awalba Falasdhiin bay taageerayeen, waxayna daysteen taageerradii, laakiin Falasdhiin xaqeedii wali waa maqanyahay kamana tanaazulin, dadka Soomaaliyeedna wali waa ku dulmanyihiin Itoobiya!…

Dhagarta uu maleegayo weynin badanaa! Waxa uu ku bedeshay ee ummadda Soomaaliyeed ee baaxaddaas leh ee uu ka dhashay uu u dulayniyo maxay tahay?!…Waa yaab!  Waxaa intaas oo dhan ka daran Mahdi wuxuu ku leeyahay qabaa’il baynu nahay Soomaali ah marka ma heshiinayno, oo haddii aan heshiin wayno?! Ma Itooniya baa inoola soo heshiinaysaan?! Marka ma  Itoobiyaa inoo kii garbo duubaysa?!  Oo  goormaan sidaas u dulownay?! Mahdi  iyo kuwo badan oo la mid ah oo wax ka og  hawl-gallada Col. Abiy iyo madax-weyne Farmaajo ay ka wadaan Soomaaliya waxay marin habaabinayaan dhallin-yarrada oo taariikhdii ay dhaxalka u lahaayeen ka qarinayaan iyagoo taas ku bedelanaya in Col.Abiy uu dalka xoog ugu qabto!…Dagaalaan dhammaad lahayn bilowgiis dheh.

Waxaa arrin aan la qarin karin in golihii shacabka xaalkoodu shib noqday, dad-weynaha Soomaaliyeed dhammaantoodna waxaa ay rumaysanyihiin  ama ay indhahooda ku arkeen si xishood daro ah, Alle ka cabsi aan lahayn,  in mar kasta oo kal-fadhiyada  golaha shacbka furmaan xil-dhibaannada lacago laaluush ah la siiyo oo si barer ah oo aan la qarinayn loo siiyo lacago laaluusha ah intay u soo saftaan iyagoo waliba  tirsanaya si aysan uga hor imaan siyaasadaha gurracan iyo meel ka dhacyada golaha fullinta (Executive Branches) haddii ay tahay ku tumashada dastuurka, ku tagri falka awoodda, iyo duulaanka ay ku hayaan dowlad-goboleeddada, waxaana lacagahaas bixisa dowladda Qatar! Laakiin hadda khatarta iyo halista dowladda Qatar intaas aad uga baaxad weyntahay waxayna lacagteeda u adeegsanaysaa inay kula dagaasho baab’inta dhaqankii wanaagsanaa iyo ummadnimmadii Soomaaliya!… waxay dhex  gashay guryihi dadkii shacabka ahaa, haweenkii, dhallin-yaradii, iyo odayaashii dhaqanka si looga hor keeno hadba madaxda, siyaasiyiinta, iyo guud ahaanba dowlad goboleeddada deegaanadooda maamula! Waxaase shacabka looga baahanyahay inay ilaashadaan maamulladooda ay iyagu samaysteen oo laga hor keenin! Inay is weydiiyaan maxaa iga maqan? Maxaanse haystaa? Farmaajose muxuu i taray?! Muxuuse iigu bedelayaa?!…Wuxuu ku bedelayaa dhaqan keli talisnimo, oo macnaheedu yahay inaadan aayahaaga qof ahaan keligaa go’aan ka gaari karayn!… intaas waa magac guud laakiin adiga aan ku daayo inaad weydiimahaas ka fekerto jawaabtooda.

Waxaa muddadii 3da sano ahayd ee madax-weyne  Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHayre ay hoggaaminayeen xukuumadda dalka ay samaysteen jabhad miizaaniyad gaar ah leh oo ay ka dagaal geliyeen Baraha Bulshada, ciidammada ugu badan ee jabhddaas waa dhallin-yaro isugu jira wiilal iyo gabdho aan waxba ka aqoon taariikhda dalkooda, waxaana ugu daran kuwa dibadaha ku koray, nasiib darrada dhacdayna waxay tahay in  dugsiyada iyo jaamacadaha dalka I aan lagu barin ardayda cidda ay yihiin,  soo jireenkii taariikhdooda, halgankii loo soo maray qaranimmada ay maanta ay ku naaloonayaan, taariikhda ay wadaagaan dalalka deriska la ah, (siiba Itoobiya iyo Kenya) waxaana qaarkood ay rumaysanyihiin Soomaaliya dowladnimadeeda inaysan ka horeyn Farmaajo iyo KHayre!  Hasa ahaatee Faarax Macallin?!… Maxaa is bedelay?!…Waa yaab mana yara!Anigu Faarax aqoontaan u leeyahay ma aha nin aan ku tuhmi karayo waxyaabaha rakhiiska ah ee dad badan ay ku tuhmayaan, laakiin xogaa waxaan la yaabanahay markii iigu dambaysay wuxuu ahaa nin rumaysan qaranimmada Soomaaliya,  aadna ugu guubaabin jiray siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay dalka ka ilaashadaan cadowga duulaanka ku ah,  siiba dalka Itoobiya! Maxaa is bedelay?!…

Sida muuqata khatarta Itoobiya  ee Soomaaliya maanta aad uga badantahay intii hore. Markii u horeysay ee Colnel Abiy Axmed  uu xukunka dalkaas qabtay wuxuu markiiba duulaan ku bilaabay shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya ku nool ilaa iyo xudduudaha dalka Soomaaliya. Ciidammadiisa waxay hor istaageen in doorasho madax banaan inay ka dhacdo dowlad Goboleedka (DG) Koonfur-Galbeed, waxayna halkaas ku laayeen dad shacab ah, waxayna xireen xubin aad muhiim u ahayd oo ka mid ahaa murashaxiintii xilka madaxtinimmada dowlad goboleedkaas u tartamayay SHiikh Muhtaar Roobow…waxay  hadda dagaal ka wadaan gobolka Gedo oo ka tirsan DG Jubbaland, waxayna deegaano badan o gobolkaas ah ka bara kiciyeen dadkii shacabka ahaa…waxay sidoo kale ciidamo badan ka joogaan magaalada DHuuso-Ma-Reeb si cadaadis siyaasadeed loo saaro dad-weynaha ku nool DG Gal-Mudug, waxaana jira Itoobiya inay ku xad gudubtay midnimmada Soomaaliya iyadoo  khariidadda Soomaaliya mar ka tirtay khariidadda Afrika, mar goysay Somaliland  khariidadda  Soomaaliya, marka Faarax Macallin hadalka uu soo dhigay Twitter-kiisa  waa hadal wax og, waxaana yaab leh isagu Soomaalida  Itoobiya ma aha, Soomaalida  Soomaliyana ma aha ujeeddada hadalkiisana waxaa loo qaadan karaa inay dano shakhsiyadeed ka dambeeyaan, waase hadal gef ku ah qaranimmada iyo ummdnimmada Soomaaliya.

SHacab-weynaha Soomaaliyeed waa u jeedaan Itoobiya iyo Kenya, iyo waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxyaabaha ay ka wadaan dalkooda, waana hubaal inay u toog hayaan diyaarna u yihiin inay ilaashadaan qaranimadooda, ummadnimadooda, iyo  midnimadooda! Hasa yeeshee side baa lug-gooyo looga baxayaa, bal ka waran ninka aad dooratay, oo aad tiri ina hoggaami, oo aad adigu keensatay oo maanta ku leh Itoobiyaan kuu soo kaxaysanayaa, oo wali Gen. Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen (Guul-Wade) la taliye u yahay?! Bal is weyddii muxuu u sheegayaa bay kula tahay? Wuxuu u sheegayaa wixii uu ku shaqayn jiray..Godkii Jillicow, Baaristii Xizbiga, Godkii Boon-DHeere, Hangashtii, Godkii Fiat… mase lays weydiiyay maxay ku dambeeyeen?!… Waxa innagu dhacaya horay inoo soo mareen xilliyadii halgankii gobanimo doonka laakiin waxaa looga guuleystay midnimmada shacabka iyo wada-tashi; Guduni geed ma gooyso ee geed kalaa ku gooya, haddaan gaalo Islaam wadin nama soo gasheen!… halgamaagii tixdaan tiriyay haddii uu maanta arki lahaa madaxda dalka hoggaaminaysa ama uu Faarax Macallin maqli lahaa muxuu oran lahaa?!Balse ka waran Alle ha u naxariistee SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen af-hayeenkii barlamankii dowladdii madaniga ahayd haddii uu maanta arki lahaa sida uu u taajiray xil-dhibaanka ka tirsan golaha shacabka intaan guddoomiyaba la gaarin muxuu oran lahaa?! Waxaa hubaal dad-weynaha Soomaaliyeed inaan loo hoosaasin duulaanka Itoobiya iyo Kenya ama waxa loogu yeero Beesha Caalamka, sida muuqatana Col. Abiy Axmed iyo Farmaajo dagaalka ay ka bilaabeen Gedo wuxuu ku soo dhammaanayaa inuu shacabka Soomaaliyeed midoobo aayahoodana ka tashadaan, waxaa kaloo iyadana dhamaanaysa in nin boorso iska wata oo aan ka war hayn dhibaatada haysata ummadda oo meel iska taagan la doorto!…Waase yaabee Farmaajo ma wuxuu garan waayay dadkaan keli talisnimo bay ka dagaalameen cid kalana kama yeelayaanee dalka dib ha u celin?!…  

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid