Muuse Biixi, Faysal iyo Cirro oo iska kaashanaya qorshe ka dhan ah Golaha Wakiilada

Hargeysa (Caasimada Online) ― Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday Qorshe halis ku ah dimuquraadiyada Somaliland oo ay wadaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hogaamiyeyaasha mucaaridka.

Cismaan Buur-madow ayaa sheegay in Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ay rabaan in si qasab ah uu Goluhu ku ansixiyo xubnihii Mucaaridka ee Komishanka ee uu diiday shalay.

Buur-madow ayaa Biixi iyo labada guddoomiye ee Mucaaridka ah ku eedeyay inay rabaan inay gebi ahaanba bur-buriyaan nidaamkii Dimuquraadiga ahaa ee ay ku dhaqanto Somaliland, isla markaana ay ku howlan-yihiin qorshayaal dhabar jab ku ah Dimuquraadiyadaasi.

Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Golaha Wakiillada waan hambalyeynayaa, waxay qabsadeen Waajibaad Dastuuri ah oo ay leeyihiin, waxaanan aaminsanahay in mar walba la ixtiraamo sharciyadda iyo Sharci-dejinta oo aan la baal-marin. Waxayna ilaaliyeen Dastuurka Somaliland iyo sharciyadda Dalka, wayna ku mahadsan yihiin”.

“Saddexdan Hoggaamiye, waatay hore u burburiyeen dimuqraadiyaddii Xisbiyada oo waatii Nin walba Ninkii Xisbigiisa ah ee hadla Xisbiga ka saaray ee cunaha ku dhegay, Maantana waxaad mooddaa inay ku heshiiyeen inay burburiyaan Labada Gole ee Sharci-dejinta ah oo intii dimuqraadiyadda u dambaysay”.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxay ku heshiiyeen anigu waan garanayaa, laakiin Dadka Shacabka ah ee Masaakiinta ahi ma garanayaan, waxay ku heshiiyeen inay soo celiyaan labadii Xubnood oo Madaxweynuhuna uu mar labaad soo celiyo, in Baarlamaanka la burburiyo oo arrinkaa la jiidhsiiyo weeyaan, qodobkaa in la diido oo laga gaashaanto ayaan qabaa”.

Xubnaha ay Mucaaridku u soo magacaabeen kamid noqoshada Komishanka cusub ee Somaliland, ayaa shalay Golaha wakiilada kala kulmay kalsooni daro weyn, maadama ay waayeen codadkii ay uga mid noqon lahaayeen Komishanka.

Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid, oo si wada-jira warbaahinta ula hadlayna waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin in goluhu uu kalsoonidii siin waayo xubnihii mucaaridka ee Komishanka, isla markaana aysan fileyn go’aankan, inkasta oo ay xuseen in arrinkaasi dib loogu noqon doono.