Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay maanta kooxo ku hubeysan bistoolado ka geysteen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Dilka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Canshuuraha Bariga ee maamulka Puntland.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Faarax Maxamed oo loo yaqaanay Caynab, waxaana la toogtay xilli uu taagnaa xarun ganacsi oo ku taalla halkaasi.
Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rasaasta lagu furay sarkaalkaasi ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo tiro dad ah u qab qabtay dilkaasi.
Kooxda dilka geysatay ayaa meesha isaga baxsatay, welina ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.
Amniga Boosaaso ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada oo u badan dilal qorsheysan.