Wasaaradda amniga DF oo WAR cusub iyo digniin ka soo saartay arrinta Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin eedeymaha ay Madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen qaar ka mid ah hey’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in madaxweynayaashii hore ee dalka ay amnigooda sugaan ciidamada ilaalada madaxtooyada, isla markaana aysan suurta gal aheyn in weerar uga yimaado hey’adaha amniga.

“Wasaaraddu waxay caddeynaysaa in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweyne ee ka horreysay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas daraadeedna aysan suurtagal ahayn wararka haatan la faafinayo”ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in labadii madaxweyne ee ka horeysay madaxweynaha haatan, ay dalkan kasoo asamata bixiyeen xaalado adag, isla markaana ay mudan yihiin tix gelin gaar ah.

“Waxaanu adkeynaynaa in Madaxweyneyaashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin Madaxweyneyaal dalkan ka soo samata-bixiyey marxalad adag, qarankana ay ku leeyihiin tixgelin gaar ah, amnigooduna uu yahay waajib qaran oo ay u heellan yihiin ciidamada loo igmaday ilaalinta Madaxda Qaranka soo martay” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Ugu dambeyntii warqadan ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka digeyso warar been abuur ah oo sida lagu sheegay qoraalka ay faafinayaan ‘shakhsiyaad ku doonaya in ay ku gaaraan dano siyaasadeed.”

“DFS waxay ka digeysaa ficillada xun iyo wararka been abuurka ah ee ay shakhsiyaad la garanayo ku doonayaan in ay dano siyaasadeed uga maacaashaan wararka aan sal iyo raadka toona lahayn” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey war-saxaafadedkan oo goor dhaw kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.