Video: JACK MA oo agab looga hortago Coronavirus soo gaarsiiyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sida qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga yo in lagula tacaalo cudurka Coronavirus ayaa caawa kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dillaacay.

Maxamed Siciid Cabdullaahi, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, kala wareegay deeqda.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.

Hoos ka daawo muuqaalka