Somaliland oo looga digay in ‘ficiltanka’ DF darteed ay halis u galiso shacabkeeda

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku tagto magaalada Hargeysa, maadama ay ka timaado dalal uu cudurkaasi faro ba’an ku hayo

Guddoomiye Faysal ayaa xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inaysan la fogaan ‘ficiltanka siyaasadeed’ ee kala dhaxeysa dowladda federaalka, midaasi oo horseeday in xukuumadu ku adkeysato in garoonkeedu u furan yahay, walow ay xayiraad ku soo rogeen dalalka qaar.

Faysal ayaa ka dhawaajiyey in bad-qabka Bulshada uu ka horeeyo xiisada siyaasadeeda, isla markaana gebi ahaanba la joojiyo duulimaadyada ay diyaarada Itoobiya ku timaado magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa ka digay in aafooyinka Somaliland uga yimaada dalka Itoobiya uu ugu darsamo cudurka halista ah ee Coronavirus, kaasi oo uu sheegay in uu noqon karo ‘Hooga reer Somaliland’.

“Labo arrimood waa in la qaada, mid waa in la karantiila dadka ka yimaada dhulka lagu sheegay cudurkaasi sida ay yeeshay Itoobiya ee welibana Aduunkana yeelay, ama in duulimaadyadaa la joojiyo, hadeynu joojino ciyaalka Xamar jooga may joojine Coronavirus baa joojiyey” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Ficilku yuusan nasii eryin oo uu noo soo xambaarin cudurka, waxaana jeclahay arrintani waa aafo qaran ee waa in Mucaarid, muxaafid iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadaba aynu gacmaha is-qabsanaa, oo waxa kale oo dhan hareeraha iska dhigna”.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa iyadu weli kusii adkeysaneysa in sidoodii hore u socdaan duulimaadyada ka imanaya Itoobiya, midaasi oo halis caafimaad ku ah bulshadeeda.

Somaliland ayaa u aragta duulimaadyada Ethiopian Airlines guul ay ka gaartay dowladda federaalka, maadama ay hareermartay go’aanadii ay ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah, iyadoo ku doodeysa inay tahay dal ka madax-banaantahay Soomaaliya.