26.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

AMISOM oo ka hor timid MAAMULKA gobolka Hiiraan qorshe uu watay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baladweyne (Caasimada online) Taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay amar dhowaan kasoo yeeray maamulka gobolkaas oo ay ku tilmaameen mid aan habooneyn raalina aysan ka aheyn.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee kusugan gobolka Hiiraan Korneel Cusmaan Dubad, ayaa ka horyimid amarka kasoo yeeray maamulka gobolka Hiiraan ee ku aadan in magaalada Baladweyne laga saaro dadka aan u dhalan.

Wuxuu sheegay inaysan suurta gal ahayn arinta kusaabsan in degmada Baladweyne laga saaro dadka an u dhalan asal ahaan waxaana uu shaaca ka qaaday in dadku ay Somali wada yihiin waxa la diidan yahayna ay yihiin kaliya dambiilayaasha.

” Anigu ma qabo raalina kama ihi in dad Somali ah laga masaafuriyo gobolka waxaa loo baahan yahay in kaliya laga hortago dhibaatada amni la iskana ilaaliyo dadka amni xumada wada maaha in shacab dhan la yiraah naga guura” ayuu yiri Cornel Dubad.

Dhanka kale wuxuu ka warbixiyay  baaritaano dad badan lagu soo qabtay oo laga sameeyay xaafadaha magaalada Baladweyne, waxaana uu tilmaamay in dadkii lagu soo wabtay wali ay ku socdaan su’aalo laga weydiinayo tuhunka loo heysto.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow  oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sidoo kale dhowaan  arintan kasoo horjeestay inkastoo maamulka gobolka Hiiraan ay arintan ku sheegeen mid amniga gobolka ay ku sugayaan.

Caasimada online

Xafiiska Baladweyne

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News