24.9 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

QM oo cambaareysay hadal ka soo yeeray wasiirka arr. gudaha Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Kenya, kaasoo sheegay in si degdeg loo rari doono qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Warbixin ka soo baxday hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay hadalka uu sheegay Joseph Olelenko wasiirka arrimaha gudaha Kenya in uu dhallin karo cawaaqib xun.

Madaxa hay’adda UNHCR ee dalka Kenya Raouf Mazou oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qorshaha dib loogu celinaayo qaxootiga Soomaalida uu qaadan doono muddo tobban sanno ah isagoo tusaale u soo qaatay dalka Liberia oo ay dagaalo sokeeye ka dhaceen.

“Sidii Liberia oo kale, qorshahaani ma noqon doono wax hal maalin lagu dhameeyo, wuxuu qaadan doonaa 10 sano” ayuu yiri Raouf Mazou.

Mas’uulkan ayaa ku celceliyay in heshiiskii sadex geesoodka ah ee toddobaadkii hore ku gaareen Nairobi dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR inuu ahaa mid qaxootiga ay si iskood ah ay u noqayaan.

Si kastaba, hadalkan ayaa jawaab u ah, hadalkii uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph ole Lenku oo ka dhawaajiyay inaan laga noqon doonin go’aanka lagu heshiiyay.

Wasiirka ayaa sidoo kal hay’adaha gargaarka ee ka howlgala xeryaha Dhadhaan faray inay u guuraan gudaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan qaxootiga noqonaya.

Wuxuu sheegay inay tahay waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay guryahooda ku noqon lahaayeen, isla markaana ay ka qaybqaadan lahaayeen dib-u-dhiska dalkooda.

Kenya ayaa martigaliyay qoxooti nus-malyuun ah kuwaasoo ka soo cararay dalka Soomaaliya 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa horraantii bishan saxiixay heshiis muddo saddex sano ah ay qaxootiga dib ugu noqonayaan Soomaaliya, si aan qasab ahayn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News