Nairobi (Caasimada Online) – Hayada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in xerada Dhadhaab ay sii jiri doonto xitaa haddii lagu dhaqaaqo qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed.
Wakiilka Hayada UNHCR ee dalka Kenya Raouf Mazou ayaa sheegay in qorshaha dib u celinta qaxootiga ay qaadanayso ku dhawaad 10 sano si loosoo gabogabeeyo soo celinta qaxootiga doonaya inay dalkooda kusoo laabtaan.
“Tani ma ahan wax hal maalin dhici kara waxay qaadanayso waqti dheer in la qaado dhamaan qaxootiga Soomaaliyeed, Xerada Dhadhaab way soo weynaanaysaa”ayuu sheegay wakiilka UNHCR ee dalka Kenya.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray hishiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid ku salaysan in la celinayo kaliya dadka doonaya.
“Waxaa muhiim ah inla ogaado inaysan jirin hal ruux oo Soomaali ah oo si qasab ah looga kaxeeyo dalka Kenya”ayuu u sheegay Mr Mazou wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.
Wakiilka hayada UNHCR ee dalka Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad 474,483 ruux oo qaxooti Soomaaliyeed ay ku nool yihiin xeryaha dalka Kenya.
Hadalkan ayaa u muuqanaya mid u jawaabaya hadal Sabtidii kasoo yeeray wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku kasi oo ku aadanaa in xerayo xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi

