Tirada jaamacadaha ku yaal Soomaaliya ayaa sii koraya, haseyeeshee maqnaanshaha kontoroolka xukuumaddu ku leedahay qaybtan tacliinta sare ee uu ka jiro tartanka sii badanaya ayaa abuuray welwel, sida ay ku doodayaan cilmi-baarayaasha iyo saamileeyda waxbarashada.
Inkasta oo ay dalka ka jiraan dhibaatooyin ammaan, ayaa haddana in ka badan 50,000 oo arday waxa ay dhigtaan ku dhowaad 50 hay’adood oo bixiya tacliinta sare kuwaa oo kala leh baaxad iyo awoodo kala duwan kuna kala yaal Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland, sida lagu qoray cilmi-baaris dhowaan uu soo saaray Machadka Daraasaadka iyo Cilmi-baarista ee Heritage (HIPS).
Warbixinta soo baxday Ausut 2013 ee cinwaanka looga dhigay “Xaaladda Tacliinta Sare ee Soomaaliya: Ganacsiyeeyn, koboc degdeg ah, iyo baahida sharciyeeynta”, ayaa sheegaysa in 34 illaa 44 jaamacadood oo tirakoob lagu sameeyay la furay intii u dhexeeysay sannadihii 2004-tii iyo 2012-kii. Jaamacadahaas 44-ka ah, ayaa kaliya dhowr ka mida waxa ay bixiyaan waxbarashada ka sarreeysa darajada koowaad ee jaamacadda.
“Koboca qaybaha waxbarashada sare ee uu waddanku ku tillaabsaday, xilli ay jiraan dhibaatooyinkii colaadeed iyo dagganaansho la’aantii muddooyinka dheer soo maray qaybo waddanka ka mid ah, ayaa ka hor imaanaysa fikrad aad loo aaminsan yahay oo oranaysa hoos u dhac iyo curyaannimo ayaa ku yimaadda horumarka dhaqaale iyo midka bulsho markii ay maqan tahay dawlad dhexe oo awood leh,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Maqnaanshaha dawlad dhexe oo leh awood xooggan iyo dowlad goboleedyo ayaa waxayba dhiirri galiyeen in la helo waxbarasho sare oo madax-bannaan si gaar ahna loo leeyahay.”
Laakiin warbixinta ayaa ka digtay in “maqnaanshaha kormeer iyo indha ku hayn xooggan oo dawladeed ee dhammaan saddexda deegaan ee dalka iyo tayada hoose ee shaqaalaha barayaasha ah, ay sababeen in midda waxbarasho ay aad hoos ugu dhacdo”.
Guulo iyo khataro
Heerka ay hay’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya uga korayaan Soomaaliya oo dhan waa mid lala yaabo, ayuu yiri Timothy Kiambi Maburi, oo ah la-taliye dhinaca waxbarashada oo Kenyan ah oo hadda ka hor u shaqeeyay Jaamacadda Golis ee Hargeysa haddana ah agaasimaha daraasaadka ee Jaamacadda Savannah ee Muqdisho.
“Dalka waxa ay xukuumadda dhexe ka maqneeyd muddo ka badan 20 sano sababtoo ah dagaallada sokeeye ee socda, laakiin tacliinta sare ee Soomaaliya way shaqeeynaysay sababtoo ah kaalinta wayn ee ay qaateen shakhsiyaad, bulshooyin maxalli ah iyo hay’adaha aan dawliga ahayn,” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, maadaama ay xiliyadii tagay maqnayd xukuumad dhexe oo shaqeeynaysa, ayuu kobaca warxbarashada sare ee Soomaaliya wuxuu la yimid wax xoogaa khatar ah, ayuu Maburi yiri.
Halkii la rabay in lagu aamino khubaro dhinaca waxbarashada ah, ayaa tacliinta sare waxa la wareegay dad ganacsato ah oo daneeynaya sidii ay macaash ku sameeyn lahaayeen, ayuu sheegay.
Qaar kamida jaamacadaha waxaa furay xubnaha bulshada qurba-joogta ah, hay’ado diini ah oo aan dawli ahayn ama qaybo kale oo khaas loo leeyahay, sida lagu sheegay warbixinta HIPS. Intaa waxaa dheer, macallimiinta warbixintu sheegtay ee 2,501-da ah, 39% ayaa haysta darajada heerka koowaad ee jaamacadda, 50% waxay haystaan darajada heerka labaad ee jaamacadda ee masterka halka 11% soo hartayna ay haystaan darajada sare ee cilmiga ee PhD-da. Warbixintu ma ayan sheegin in shahaadooyinkaas laga soo qaaday jaamacado la aqoonsanyahay iyo inkale.
“Waxay hoos u dhigeen kharashaadkii [jaamacadda] kadib markay shaqaaleeyeen dad aan takhasus ku haysan maaddooyinka ay dhigayaan, khatartaasina waxa looga gudbi karaa marka ay xukuumaddu ka soo dhalaasho kaalinteeda,” ayuu yiri Maburi.
Dr. Ciise Maxamuud Xalane, oo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee ay dalwaddu lahayd ka dhigi jiray xannaanada xoolaha iyo caafimaadka ka hor dagaalladii sokeeye haddana casharro ka bixiya qaar ka mida jaamacadaha khaaska loo leeyahay ee Muqdisho, ayaa sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo heerka ay ku kobcayeen jaamacadaha Muqdisho iyo tayada koorsooyinka iyo duruusta halkaa laga bixiyo.
Sifo kor loogu qaado tayada tacliinta sare, ayuu Maburi sheegay in xukuumadda ay la gudboon tahay in ay biloowdo jaamacado dheeri ah oo ay dawladdu leedahay, isla markaana ay dhaqan-galiso sharci lagu maamulayo jaamacadaha isla markaana jaangooyooyin u sameeya duruusta.
Dhab ahaantii, 14-kii November ayuu golaha xukuumadda Soomaaliya waxa uu cod buuxa ku taageeray qorshe dib loogu dayac-tirayo looguna furayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, mashruucaas oo lagu qiyaasay in ay ku kaceeyso $3.6 milyan.
Ardayda oo qiimeeynaya jaamacadaha Soomaaliya
Jirteeyoo ay kobcayaan fursadaha waxbarasho ee dalka, ayay aradayda Soomaaliyeed ku faraxsaneeyn tayada barnaamijyada tacliinta sare ee ay haystaan. Ismaaciil Samatar, oo sannadka saddexaad ee saxafadda ka dhigtaa Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in ay “nuqsaani” ku jirto waxbarashadiisa. Qaar kamida macallimiintiisa ayaa waxa ka maqnaa xirfadda waxbaridda ama kaliya waxay heeysteen shahaadooyinka heerka koowaad ee jaamacadda, ayuu sheegay.
Dhiniciisa, ayuu Cabdi Maxamed Axmed, oo sannadka afaraad ee caafimaadka ka dhigta Jaamacadda Banaadir, waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibadii ay waxbarasho iska liidata helaan marka la barbar dhigo ardayda jaamacadaha ka dhigta dibadda.
“Ardayda jaamacadda caafimaadka ka dhigta adduunka waxay leeyihiin isbitaallo wax lagu barto oo ay ku tababaran karaan, waxay khibraddooda ka qaataan isbitaalka jaamacadda marka laga bilaabo sannadka ugu horreeya, laakiin innagu fursaddaas ma haysanno,” ayuu yiri.
Isaga oo ka jawaabaya welwelka ku aaddan kormeer la’aanta, ayuu Maxamed Cabdulqaadir Nuur, oo ah madaxa qaybta waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta iyo Arrimaha Bulshada, waxa uu sheegay in xukuumaddu qorsheeynaysay in ay ansixiso sharci bilaha December ama January kaas oo lagu maamulayo hannaanka tacliinta sare.
“Waxaan diyaarinaynaa shuruucdii, siyaasaddii waxbarashada iyo manhajkii loo isticmaali lahaa jaamacadaha dalka,” ayuu yiri Nuur.