Dhadhaab (Caasimada Online) Wasiirkii horre ee gaashandhigga Kenya ayaa hadal lala yaabo sheegay kaddib markii dhawaan ay tageen xeryaha qoxootiga gobalka Waqooyi Bari Kenya wafi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dalkaas.
Isagoo ka hadlaayay goobta ayuu Mohamed Yussuf Hajji uu shegay , dhulka ay qaxootiga tiga Soomaaliyeed 23 sanno kusugnayeen uu noqday naag dhalmada joojisay.
Sida uu u sheegay Shabakadda Caasimada Online wariye ku sugnaa shirkaas wuxuu uu kala jeeday wadanka waa la xaalufiyay.
a
Mas’uulkan oo laga soo doorto gobalkaas ka codsaday hey’addaha gargaarka in ay wax u qabtaan dadka ku nool deeganka Dhadhaab oo ka tirsan Gaarissa.
Wuxuu ku celceliyay Yuusuf Xaaji, martigallinta ay u fidiyeen muddadaas badan taas badalkeedana ay ubahan yihiin in wax loo qabto.
Si kastaba, waxaa muuqata in Kenya ay dhibsadeen qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda, waxaana ay hadda doonayaan in dib loo celiyo qoxootiga.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi