28.8 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Imaaraadka oo isaga baxay ururka OPEC, xilli ay ka dartay xiisada Khaliijka iyo Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku dhawaaqday inay isaga baxayso dalladaha ay ku midaysan yihiin dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC iyo OPEC+, si ay diiradda u saarto wax ay ugu yeertay danteeda qaran, taasi oo ruxday suuqyada caalamka, xilli qiimaha tamartu uu cirka isku shareeray colaadda ka socota Bariga Dhexe darteed.

Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa baahisay in dalkan—oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee soo saara shidaalka adduunka, horayna uga cawday qoondada wax-soo-saarka ururka lagu xaddido—uu si rasmi ah uga bixi doono dalladda maalinta Jimcaha.

Imaaraadka ayaa xubin ka ahaa OPEC tan iyo 1967-dii, iyadoo markaas uu wakiil ka ahaa maamulka Abu Dhabi, afar sano kahor intii uusan dalku xornimada ka qaadan maxmiyaddii Ingiriiska. Dalkii ugu dambeeyay ee isaga baxa dalladdan wuxuu ahaa Angola sanadkii 2024-kii.

Bayaan ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri: “Go’aankani wuxuu ka turjumayaa aragtida fog ee istaraatiijiyadeed iyo midda dhaqaale ee Imaaraadka.” Waxaa kaloo lagu xusay in xilligii ay ka tirsanaayeen ururka ay sameeyeen tanaasul weyn oo dan u ahaa dhammaan waddamada xubnaha ka ah, balse hadda ay la gaaray waqtigii ay xoogga saari lahaayeen danta gaarka ah ee qarankooda.

Tallaabadan oo ku soo beegmaysa xilligii ugu adkaa ee suuqyada shidaalka soo mara tan iyo todobaatameeyadii, ayaa la filayaa inay wiiqdo awoodda ururka OPEC, kaas oo ay awood ballaaran ku leedahay dowladda Sacuudi Carabiya oo ay deris iyo ood-wadaag yihiin Imaaraadka. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in arrintani ay qalqal horleh gelin doonto suuqyada shidaalka caalamka.

Xilligan la joogo, dhoofinta shidaalka Khaliijka ayaa waxaa curyaamiyay go’doominta ay Iiraan saartay Marinka Hormuz, kaas oo dhaca agagaarka Imaaraadka, caadi ahaanna qaada shan-meelood meel ka mid ah shidaalka adduunka laga isticmaalo.

Imaaraadka oo si weyn ula daalaa-dhacaya weerarada kaga imaanaya Iiraan, ayaa sidoo kale waxaa madmadow uu soo kala dhexgalay iyada iyo Sacuudiga, kaddib is-mari-waa dhexmaray ciidamo ay labada dal kala taageeraan, gudaha waddanka Yemen.

Kahor inta uusan dagaalku qarxin, Imaaraadku wuxuu ahaa dalka afaraad ee ugu shidaal soo-saarista badan 22-ka dal ee ku midoobay OPEC+, wuxuuna ku xigay Sacuudiga, Ruushka, iyo Ciraaq.

Jorge Leon, oo ah falanqeeye ka tirsan shirkadda Rystad Energy, ayaa xusay in ka bixitaanka Imaaraadku aysan isla markiiba isbeddel weyn ku sameyn doonin suuqa inta dhoofinta Marinka Hormuz ay hakad ku jirto.

Balse wuxuu tilmaamay in marka dambe uu dalkani xor u ahaan doono inuu kordhiyo wax-soo-saarkiisa, taas oo meesha ka saaraysa awooddii iyo koontaroolkii OPEC, suuqana ka dhigi karta mid aan degganayn. Dhanka kale, Jamie Ingram, oo ah tifaftire ka tirsan wargeyska Middle East Economic Survey, ayaa xaqiijiyay in ururka OPEC uu waayi doono 13% awooddiisa wax-soo-saar, bixitaanka Imaaraadka awgeed.

Ururka OPEC oo dhidibada loo taagay 1960-kii, ayaa sanadkii 2016-kii isbaheysi la sameeyay 10 dal oo kale oo soo saara shidaalka, waxaana la dhisay OPEC+ si loo kordhiyo awooddooda.

Ururku wuxuu caan baxay 1973-dii markii uu cunaqabateyn shidaal saaray xulafada Israa’iil xilligii dagaalkii Yom Kippur, arrintaas oo keentay in sicirka shidaalku uu afar laabmo dhowr bilood gudahood. Nidaamka qoondada ee ay 1980-yadii soo saareen ayaa ka caawiyay inay suuqa xakameeyaan xilliyadii qalalaasaha dhaqaalaha ee 2008 iyo dhibaatadii cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Guul u soo hoyatay Trump

Ka bixitaanka Imaaraadka ayaa guul siyaasadeed u ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo sanadkii 2018-kii khudbad uu ka jeediyay Qaramada Midoobay ku eedeeyay OPEC inay dhiig-miirato adduunka, isagoo ku andacooday inay shidaalka si macmal ah u qaaliyeeyaan. Trump ayaa marar badan ku celceliyay in xilli Mareykanku uu difaaco xubnaha OPEC, ay iyaguna uga faa’iideystaan inay shidaalka qaaliyeeyaan.

Go’aankan ayaa sidoo kale yimid kaddib markii Imaaraadku uu si cad u dhaliilay dalalka Carabta, isagoo ku eedeeyay inaysan gacan ka siinin difaaca dalkiisa intii ay socdeen weeraradii Iiraan.

Anwar Gargash, la-taliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka, ayaa sheegay in inkastoo dalalka Gacanka ay dhanka saadka iska taageereen, haddana iskaashigooda milateri iyo midka siyaasadeed uu ahaa kii ugu liitay taariikhda. “Waxaan tabar-darri ka filayay Jaamacadda Carabta, balsema ahayn inaan arrintan kala kulmo Golaha Iskaashiga Khaliijka,” ayuu yiri Gargash, isagoo muujiyay la-yaab.

Wasiirka Tamarta Imaaraadka, Suhail Al Mazrouei, ayaa isna sheegay in adduunku uu haatan u baahan yahay tamar dheeraad ah, wuxuuna ballan-qaaday in dalkiisu uu gacan ka geysan doono baahidaas.

Bixitaanka dalkan ayaa ku soo beegmaya xilli awoodda keydka shidaalka caalamku ay aad u hooseyso. Maamulka Abu Dhabi ayaa aaminsan in ka bixitaankooda ururka ay faa’iido u tahay macaamiisha caalamka iyo dhaqaalaha adduunkaba, maadaama ay si xor ah suuqa u gelin karaan shidaal jaban oo la isku halleyn karo.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News