Siyaasigii labaad oo beesha Mudulood u dhashay oo gurigiisa lala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Degmada Wada-jir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay u boodeen Hooyga Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo kamid ahaa Siyaasiyiintii la weeraray.

Wararku waxa ay Tibaaxayaan in Ciidamada Nabadsugida ay madaxa galin wayeen Hooyga C/llaahi Sheekh Xasan, kadib markii qeybaha kore ee hooygiisa uu la fuulay Hub culus, iyadoona ay xiligaani Ciidamada AMISOM u suuragashay inay u boodan hooyga islamarkaana ay gudaha u galaan.

Ciidamada AMISOM iyo Nabadsugida ayaa xiligaani Hooyga C/llaahi Sheekh Xasan ku sugan, waxaana laga baadi-goobayaa Hub, wallow wararku ay sheegayaan in laga waayay hub, markii laga reebo kuwa uu isaga isku difaacayo.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu noqonayaa Siyaasigii labaad ee saakay lagu qabtay Weerarka, waxaana la beeyay Axmed Daaci oo isaguna la tilmaamay inuu xilli hore ka gaashaantay inuu weerar kala kulmo Ciidamada Dowlada.

Dhanka kale, wararku waxa ay Tilmaamayaan in Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ay dhowr saac ku jahwareersanaayen galida guryaha Siyaasiyiinta la weeraray, inkastoo weerarkii lagu qaaday Cabdi Ileys, Cabdi-waal iyo C/weli Qanyare uu ifiyay in Siyaasiyiinta kale lagu wajahan yahay sidaana Axmed Daaci iyo kuwa lala weeraray ay ku gaashanteen islamarkaana in muddo ah iska caabiyeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com