Gurigii Axmed Daaci oo lala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno, waxaa goor dhow Hooygiisa lagala wareegay Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Daaci, oo Saakay aroortii lagu qaaday Weerar ay ka qeyb qaateen Ciidamada AMISOM.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabadsugida gaar ahaan kuwa loo yaqaan Alf-group ay gudaha u galeen Hooyga Axmed Daaci, iyadoona ay sahashay galitaanka kadib markii Ciidamada AMISOM ay madaafiic ku gaaraaceen xaafadda.

Ciidanka dowladda, ayaa markii hore lagu jebiyey dagaalka, askar badanna laga laayey, waxaase caawiyey Amisom.

Axmed Daaci, ayaa ka baxay gurigiisa, kadib markii ay ciidamada Amisom billaabeen inay shacabka la dhacaan madaafiic, waxaana uu sheegay inuusan dooneyn in dad badan ay u dhintaan dartiis.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Guriga Axmed Daaci laga soo saaray Hub aad u farabadan iyo dareeska Ciidanka kuwaasi oo galay gacanta Ciidamadda Ammaanka.

Waxaa iminka joogsaday Rasaasta waxaana goobta ku sugan Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada.

Dhanka kale, Jawiga ayaa ah mid degan waxaana xiran gabi ahaan wadooyinka gala Xaafada Madiina, iyadoona ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada oo feegjignaan muujinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com