Amisom gaadiid looga gubay dagaalka MUQDISHO iyo beesha DAA’UUD oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in la arkaayo uuro ka kaceysa goobta dagaalka uu ka socdo

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in uurada ay tahay laba gaari oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo dagaalka lagu gubay, kadib markii lagu garaacay hubka culus.

Sidoo kale, wararku waxa ay sheegayaan in isla goobta ay Ciidamada AMISOM gaari ku dardarsiiyen Wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay 10-13 sano jir, iyadoona meydka wiilkaasi uu weli yaalo meesha, kadib markii ay suuragali weysay in meesha loo dhawaado oo ay rasaasta ka socto.

Dagaalka ayaa weli socda waxaana la arkayaa Ciidamo AMISOM ah oo isku dayaayo inay halkaasi ka jiitaan Labada Gaari ee laga gubay, hayeeshee aysan u suuragaleynin waxaana labadaasi gaari saaran liif.

Ciidamada Amisom aya ku biiray dagaalka lagu qaaday siyaasiyiinta beesha Daa’uud ee Abgaal, kadib markii dowladda lagu soo jebiyey dagaalka, askar badanna laga laayey.

Lama Oga halka uu noqon doono Biyo dhaca Dagaalka, waxaana weerarka ay qaaden Ciidamada AMISOM iyo Nabadsugida dhaliilay Odayaaasha Beesha Hawiye oo sheegay in Xasan iyo AMISOM lagula xisaabtami doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com